BBC navigation

Soomaali tahriib ah oo la bedbaadiyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Maarso, 2012, 12:17 GMT 15:17 SGA

Media Player

In ka badan 200 Soomaali tahriib ah oo doomo uga soo baxay dalka Libya ayaa ciidanka badda Talyaanigu ku bedbaadiyeen meel u dhaw xeebaha jasiiradda Lempadusa.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Soomaali lagu bedbaadiyay xeebaha Malta

In ka badan 200 Soomaali tahriib ah oo doomo uga soo baxay dalka Libya ayaa lagu bedbaadiyay meel u dhaw xeebaha jasiiradda Lempadusa.

Dadkan Soomaalida oo kala saarnaa, laba doomood ayaa waxa la sheegay inay ku jireen carruur iyo haween.

Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay inay bedbaadiyeen laba doomood oo ay kala saarnaayeen 107 midna 114.

Labada doomood ayaa waxa laga gaaray iyaga oo degi raba kadib markii cillad ku timid.

Waxaa kale oo jiray in shalayna la bedbaadiyay doon kale oo ay saarnaayeen in ka badan Konton qof oo la sheegay shan ka mid ah inay dhinteen.

Lama oga shanta qof ee dhintay in Soomaali yihiin iyo in kale.

Kumanaan Soomaali ah oo ka soo cararaya dhibaatada ka taagan Soomaaliya ayaa naftooda sanad walba ku soo biimeeya biyaha u dhexeeya Afrika iyo Yurub, iyaga oo ka soo baxa xeebaha waddanka Libya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.