bbc.co.uk navigation

Andrew Mitchell: Waxba kama jiraan haba yaraatee

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Febraayo, 2012, 17:50 GMT 20:50 SGA

Media Player

Xoghayaha Horumainta Caalamiga ee Britian, Andrew Mitchell, ayaa beeniyay war uu qoray wargeyska Observer oo ahaa in Britain ay hogaamineyso shidaal ka raadinta Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Andrew Mitchell, Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ee Britain

Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaaladan London ayaa boggiisa hore ku qoray cinwaan "Britain waxa ay hogaamineysaa orod loogu jiro shidaal ka soo saaridda Soomaaliya".

Laakiin dowladda Britain ayaa arrintaasi beenisay, oo ku tilmaantay in aanay waxba ka jirin isla markaana wax dan ganacsi ah ka lahayn Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana sheegtay in wax shidaal qodis ah aanay kala hadlin madaxda Britain intii ay wada hadalka u joogeen Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay barnaamij subaxda Axada ka baxa Idaacadda telefishinka ayaa waxaa uu arrintaas wax laga weydiiyey, Wasiirka Horumarinta iyo Gar-Gaarka Dibadda ee dalkan Britan, Andrew Mitchel.

Waxaana uu sheegay in Shirkadaha dalkan Britan iyo dawlada Britishku aanay dooneyn shidaalka Soomaaliya, Wasiirku waxaa uu sheegay in aanay taas waxba ka jirin.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.