bbc.co.uk navigation

William Hague oo u warramay BBC Somali

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Febraayo, 2012, 18:01 GMT 21:01 SGA

Media Player

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Soomaaliga ee BBC waxa uu ku tilmaamay in arrinta Soomaaliya ay muhiimad sare leedahay.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britian waxa uu shalay tagay magaalada Muqdisho

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, William Hague, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Soomaaliga ee BBC waxa uu ku sheegay in arrinta Soomaaliya ay muhiimad sare leedahay.

William Hague, oo shalay booqday magaalada Muqdisho, markii ugu horreysay ee Xoghaye Arrimo Dibadeed Britain ah uu booqda Soomaaliya muddo 20 sano ah, ayaa waxa dowladdiisu ay marti gelineysaa bishan shir loga hadlayo dhibaatada Soomaaliya.

Xogahayuhu waxa uu sheegay in dadaalka beesha caalamka la mideynayo si wax looga qabo dhibaatada daba dheeraatay ee Soomaaliya.

Waxa uu rajo ka muujiyay xaaladda Muqdisho, oo ammaankeeda uu ku tilmaamay inay ka soo rayneyso.

Wareysiga oo ka dhacay magaalada Nairobi, waxaa uu Xoghayuhu u warramay Yusuf-Garaad.

William Hague wareysigiisa halkan ka dhegeyso.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.