Shirka Soomaalida ee UK

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Janaayo, 2012, 09:29 GMT 12:29 SGA

Media Player

Waxaa magaaladatan London lagu qabtay shir ay ka qeybgaleen Soomaalida ku dhaqan UK, oo looga hadlayay shirka dhawaan ay marti gelin doonto dowladda Britain ee lagu wado in lagu qabto London.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Guddoomiyaha SDUK, Maxamed Ismaaciil Atoore, oo u warramaya Farxaan Maxamed Jimcaale

Waxaa magaaladatan London lagu qabtay shir ay ka qeybgaleen Soomaalida ku dhaqan UK, oo looga hadlayay shirka dhawaan ay marti gelin doonto dowladda Britain ee lagu wado in lagu qabto London.

Shirkan oo ka sokow dadka Soomaalida, lagu martiqaaday siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka Britain iyo golayaasha deegaanka London, ayaa waxa soo qabanqaabiyay ururka jaaliyada Soomaalida UK.

Guddoomiyaha, SDUK Somali Diaspora UK, Maxamed Ismaaciil Cilmi (Atoore) oo ka hadlay ujeedada shirka ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in ay muujiyaan doorka Soomaalida ku dhaqan dalkan UK.

Rushanara Cali waxa laga soo doortaa Bethnal Green iyo Bow oo ah bariga magaaladatan london.

Siyaasiyiinta waddankan Britian ee shirkaasi ka qeybgalay waxaa ka mid ah Rushanara Cali oo ah xubixn ka tirsan baarlamaanka Britain oo laga soo doorto xaafadda Bethnal Green iyo Bow ee bariga magaaladatan london.

Waxa ay sheegtay in dadka shirka isugu yimid ay sheegeen inay muhiim tahay in dowlada Britain aanay u qaban shirkan inay ka walaacsan tahay ammaankeeda uun, ee laakiin uu intaa ka bato, haddii kale uu noqonayo mid lagu guuldareysto.

Rushanaa Cali waxa ay tiri "Waxaana u malaynayaa in taasi ay tahay fariin muhiim ah oo dowladdu ay tahay inay maqasho".

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.