Madaxweynaha Djibouti, ayaa sheegay in ciidankiisu ay yihiin kuwo ay isku dhiig yihiin isna af garanayaan Soomaalida.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.
Madaxweynaha Djibouti, ayaa sheegay in ciidankiisu ay yihiin kuwo ay isku dhiig yihiin isna af garanayaan Soomaalida.
Hawsha ay qaban doonaanna waxaa ka mid ah, ayuu yiri, tababbarka ciidanka Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyay lacagta faraha badan ee ku baxda AMISOM sow kuma habbonaateen ciidanka Soomaalida, ayuu Madaxweynuhu sheegay, in ay taasi habboonaan lahayd.
Mar wax laga weydiiyay la dagaallanka burcad badeedda, wuxuu Madaxweynuhu ku tilmaaamay, in aan burcad badeedda looga adkaan karin dagaal badda ah oo keliya.
Sida keliya ee wax looga qaban karaa waa in la helo, ayuu yiri, ciidan Soomaaliyeed oo berriga ku sugan.
Xalka Soomaaliya in uu yahay militeri iyo in uu yahay mar la weydiiyay, Madaxweynuhu wxuuu ku tilmaamay in siyaasadda iyo militerigu ay yihiin laba aan kala hari karin.
Siyaasadi ma shaqeyn karto meel aan ammaan ahayn, ayuu yiri.
Hawlgal militeri oo keliyahana xal laguma gaaro ayuu yiri.
BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.