Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda iyo taariikhda dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa ka faalloonaya waxa ay ka dhigan tahay cunaqabateynta.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Kursigii Syria ee Jaamacadda Carabta oo maran
Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Syria oo looga jawaabayo rabshadaha ka dhan ah dadka ka soo horjeeda dowladda.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar Hamad bin Jassim ayaa sheegay in 22 dal ee jaamacadda Carabta ay taageereen tallaabadan cunaqabateynta ah oo ay ku jirto xannibaad socdaalka madaxda Syria.
Haddaba maxay ka dhigan tahay cunaqabateyntan, mase tahay mid ay awood u leeyihiin hirgelinteeda dalalka Carabtu, arrimahaasi iyo suaalo kaleba waxa aan weydiiyay Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda iyo taariikhda ee dalalka Carabta iyo Islaamka.
BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.