14 Luulyo, 2010, 17:11 GMT 20:11 SGA

Qaraxyada ka dhacay magaalada Kampala

Makhaayadda

Makhaayadda qraxu ka dhacay

Masuuliyiinta waddanka Uganda ayaa xiray tiro dad ah oo lala xiriirinayo weeraradii bam ee axaddii lagu qaaday magaalada Kampala, oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof.

Dhag sii BBCSomali Facebook

Xiritaanka dadkan ayaa yimi kadib markii laga helay magaalada, suun kuwa la isku qarxiyo ah oo aan qarxin.

Xarakada Shabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarada qaraxyada ee ka dhacay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, oo ay ku dhinteen in ka badan toddobaatan qof, ilaa sideetan kalena ay ku dhaawacmeen.

Cod duuban oo ay ka soo saareen magaalada Muqdisho, ayaa Afhayeenka Shabaab uu sheegay in kooxdoodu weerar ku qaadeyso cadawgooda meel walba oo uu joogo.

Afhayeenka Shabaab, Shiikh Cali Maxamuud Raage, ayaa waxa ku tilmaamay qaraxyada ka dhacay Kampala inay yihiin bilow, isagoo ugu hanjabay dalalka Uganda iyo Burundi in haddii ay ciidamadooda kala bixi waayaan Soomaaliya ay la kulmi doonaan dhibaato kale.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.