14 June, 2010, 08:02 GMT 11:02 SGA

SSC ma argagixisaa?

Wasiirka Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi M. Ducaale

Wasiirka Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi M. Ducaale

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa ku tilmaamay in Hoggaamiyaha SSC

(Sool, Sanaag iyo Cayn), Suleymaan Ciise Axmed, iyo ururkiisaba ay Somaliland u aragto in ay yihiin argagixiso.

Arrinkani waxaa uu daba joogay wareysi uu, Suleyman Ciise, siiyay weriyaha BBC Garowe, Axmed Maxamed Cali, kaas oo uu eedyen kulul dusha uga tuuray Puntlnad, isla markaana Somaliland ugu hanjabay in wax kasta oo ay qaadato uu ka saari doono dagaanka SSC.

Hoggaamiyaha SSC waxaa uu ciidanka Somaliland ku tilmaamay in ay yihiin malliishiya ka timid Hargeysa.

Waxaa uu intaa ku daray in hawsha uu ka wado degaanka SSC ay tahay mid ay la ogtahay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

bbc.co.uk navigation

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.