BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
  
Boggan email ugu dir saaxiib Daabac
Wargelin

Qoraalkan wuxuu sharaxayaa siyaasadeena ku aadan aqbaarta kugu saabsan ee aad noo soo gudbiso.

1. Ujeedadda Qoraalkan

Waqti ka waqti, waxaa lagu waydiin doonaa in aad soo gudbiso aqbaar adiga kugu saabsan, tusaale ahaan Magacaaga, cinwaanka emailkaaga iwm, si aad u hesho ama aad u isticmaali karto adeegyada boggan. waxaa adeegyadana ka mid ah warsidaha BBC-da, tartamo iwm.

Hadii aad buuxiso form-ka lagaa codsaday, waxay BBC-du awoodi doontaa in ay kuu soo gudbiso adeegyada aad ka dalbatay.

Mar walba oo aad sidaa oo kale noogu soo gudbiso xogtaada, waxaan aqbaartaada u tixgalinaynaa si waafaqsan nidaamkan. Adeegyadeena waxay u samaysan yihiin in ay kuu sahlaan wararka ama xogagga aad doonayso in aad hesho. BBC-du waxay ku dhaqmaysaa sharciga jira, waxaana ujeeddadeedu tahay in ay bixiso howsha ugu wanaagsan ee Internet laga heli karo.

2. Aqbaar ku saabsan martida bogga

Inta aad ku jirto bogga BBC-da, bogagga aad arkayso oo ay la socdaan waxa la yiraahdo cookie, ayaa computer-kaaga lagu soo download-garaynayaa, Inta badan hadii aysan wada ahaynba dhamaan, bogagga internet-ka way wada sameeyaan, sababtoo ah cookie-gu wuxuu u fududaynayaa daabacaha bogga in uu ogaado waxyaabo waxtar leh oo ay ka mid tahay in computer uu qofka martida ah isticmaalayo iyo qofkuba ay horay u soo booqdeen boggan.

Waxaa sidan la yeelaa marka qofka martida ah uu ku soo laabto bogga iyadoo la hubinayo in la arko oo la helo cookie-ga uu qofka halkaasi kaga tagay markii ugu dambaysay ee uu soo galo bogga.

Xog kasta ee cookie-ga laga helo, waxay gacan ka gaysan kartaa in adeeg wanaagsan laguu qabto, waxayna gacan naga siinaysaa in aan baranno martideena, tusaale ahaan: hadii aad horay u soo booqatay boggan, oo aad sii gashay qaybta waxbarashada, waxaan ka ogaanaynaa cookie-gaaga, isla markaana mar xiga ee aad na soo booqato, waxaan ku xusuusinaynaa xogagga waxbarasho.

Redsherrif, oo ah shirkadda madaxbanaan oo qaabilsan cabiraadda iyo cilmibaarista, ayaa uruurisa xogagga aan shaqsiga ahayn ee ku saabsan martida soo booqata bogayaga iyagoo naga wakiil ah, waxaana ay isticmaalayaan cookies iyo code bogga ku lifaaqan.

Cookies-ka iyo codes-ka, waxay kaydinayaan tirakoobka aan shaqsiga ku saabsanayn ee xogagga goobaha uu ka booqday bogga, inta uu qofku ku jiray bogiiba, meelaha uu ka soo galay iyo xogagga kale ee guud.

BBC-du, waxay isticmaashaa qaabkan iyo sidoo kale cookies-yo kale oo loo adeegsado in lagu caawiyo hagaajinta adeegyada aan idiin qabanayno.

3. Waa maxay Cookie?

Marka aad bog internet-ka ah gasho, computer-ka aad isticmaalayso waxaa isla markiiba loo samaynayaa waxa la yiraahdo Cookie.

Cookies, waa faylal qoraal ah oo adeegayagu uu ku aqoonsanayo computer-ka aad isticmaalayso. Cookies ma aqoonsan karaan shaqsiga isticmaalaya, laakiin wuxuu aqoonsanayaa computer-ka la xiriiraya.

Bogag badan oo internet-ka ah, ayaa isticmaala habkan mar walba oo qof cusub uu soo booqdo bogooda si ay ula socdaan isticmaalka bogooda iyo sida loo soo galo.

Cookies oo kaliya waxay qoraal ka sameeyaan oo kaydiyaan goobaha uu bogga internet-ka ka booqday computer-ka uu qofku isticmaalay iyo waqtiga uu ku jiray.

Qofku wuxuu fursad u helayaa in uu computer-kiisa u diyaariyo in uu ogolaado dhamaan cooki-yada si ay u ogaadaan mar walba oo computer-kooda loo sameeyo cookie, ama xitaa in aysan marnaba helin wax cookie ah. Laakiin hadii uu qofku diido in loo sameeyo cookie, waxaa dhacaysa in adeegyo badan loo fududayn waayo oo uu gali waayo bogag badan.

N.B: Xitaa hadii aadan computer-kaaga u diyaarin in uu diido cookies-ka, wali waxaad u soo gali kartaa bogayaga adigoo aan lagu aqoonsan, waxaad iska diiwaangalisaa adeegyada BBC-da.

4. Isticmaalka iyo kaydinta xogagga kuu gaarka ah

Marka aad xog kuu gaar ah siiso BBC-da, waxaad waajib sharciyan ah noogu leedahay in aad ku qanacsanaato siyaabaha aqbaartaada loo adeegsan.

Waa in si daacad ah aan aqbaarta kaaga qaadnaa, taasoo ah waa in aan kuu sharaxnaa sida aan u isticmaali doonno, kulana socodsiinnaa hadii aan damacsan nahay in aan u gudbinno cid kale.

Guud ahaan nooc kasta oo xog ah oo aad BBC-da siiso oo kaliya waxaa laga isticmaalayaa BBC-da gudaheeda iyo hay'adaha kala shaqeeya bogga internet-ka. Marnaba ma dhacayso in loo gudbiyo cid ka baxsan BBC-da iyadoo aan marka hore adiga lagaa helin ogolaasho hadii uusan sharciga nagu waajibin ama noo ogolaan in aan sheegno.

Iyo sidoo kale, hadii aad meel uun u dirto aflagaado ama waxyaabo aan haboonayn oo aad ka dirto ama u soo dirto BBC-da ama aad gasho falal kale oo waxyeelayn ku ah BBC-da, oo BBC-du ay u aragto in falka noocaasi ah uu yahay mid khatar ah iyo/ama hadii aad ku celiso, BBC-du waxay awoodi doontaa in ay u isticmaasho aqbaarta kugu saabsan sidii lagaaga joojin lahaa falalka meel ka dhaca ah ee samaynayso.

Waxaa laga yaabaa in xogtaada loo gudbiyo cid ka baxsan BBC-da iyo adiga oo ay noqon karaan cidda aad u shaqayso, iskuulkaaga ama shirkadda aad ka kiraysatay internet-ka, anigoo la socodsiinayna dhaqankaaga xun.

Waan haynaynaa xogta kugu saabsan inta aad isticmaalayso adeegyada bogga BBC-da ee aad dalbatay, waxaana tirtiraynaa marka ay dhacdo in ujeedadaadii aad gaartay ama hadii ay dhacdo xubinnimadaada warsidaha BBC-da marka aad iska joojiso.

Hase yeeshee, ammaan ahaan, waxaa dhici karta in BBC-du uu kaydiso xogagga fariimaha qoraalka (oo ay ku jiraan qoraalka fariinta, magacyada xubinimada, watiyada iyo taariikhaha) muddo lix bilood ah.

Dadka aan is diiwaangalin aqbaartooda u gaarka ah, waxaa la haynayaa intii ay lagama maarmaan noqoto si loo xaqiijiyo in ay bogga u isticmaalayaan si haboon. waxaan hubinaynaa in aqbaarta gaar ahaaneed ee naloo soo gudbiyo aan ku hayno meel xafidan si waafaqsan sharciga Data Protection Act 1998.

Hadii BBC-du ku soo ogaysiiso in xogtaada laga yaabo in loo isticmaalo si BBC-da ay kuula soo xiriirto, waxay uun noqonaysaa ujeeddo maamul oo kaliya, taasoo macnahedu yahay in BBC-da laga yaabo in ay kuula soo xiriirto dhowr arrimood dartood oo la xiriir howsha aad dalbatay. Tusaale ahaan, waxaa dhici karta in aan ku siino xusuusiyayaasha password-yada ama aan kula socodsiinno marka howl aad dalbatay ay dayactir dartii hawada uga maqan tahay.

Kugulama soo xiriirayno arrimaha ku saabsan horumarinta sida in lagula socodsiiyo waxyaabaha lagu soo kordhiyay adeegan ama adeegyada cusub ee BBC-da hadii aadan adigu marka hore dalban marka aad xogtaada u gudbinayso bogga ama waqti dambe oo aad doorato gaar ahaan in laguu soo diri karo wararka ku saabsan horumarka lagu sameeyay bogga.

5. Sida aad u heli karto Akhbaartaada

Waxaad xaq u leedahay in aad dalbato nuqul ku saabsan Akhbaartaada BBC-du ay hayso, oo isla markaana aad sixi karto wixii qalad ah. (Waxaa lagaa qaadayaa £10 si aad hesho dalabkaaga.) Fadlan dalabkaaga u gudbi Data Protection Officer, Room 315, Brock House, 19 Langham street, London, W1A 1AA (Email:dpa.officer@bbc.co.uk).

6. 16 jir iyo ka yar

Hadii aad tahay 16 jir ama ka yar tahay, fadlan ogolaansho ka soo qaado waalidkaa ama qofka kaa mas'uulka ah ka hor inta aadan akhbaartaada siinin barta internet-ka ee BBC. Hadii aadan waalidkaa ka haysan ogolaansho laguuma ogola in aad noo soo gudbisid.

7. Sida aad u helayso Cookie-ga una maamulayso

Hadii aad isticmaalayso Netscape 6.0:

Tallaabooyinka soo socda qaad

Guji

1. Edit, kadibna

2. Preferences

3. Guji Advanced

4. Guji Cookies

Hadii aad isticmaalayso Internet Explorer 6.0:

1. Dooro Tools, kadibna

2. Internet Options

3. Guji Privacy Tab

4. Guji Custom Level

5. Guji 'Advanced' button

6. Hubi santuuqa 'override automatic cookie handing' oo dooro Accept, Block or Prompt middii aad doonayso.

Hadii aad isticmaalayso Internet Explorer 5.0 or 5.5:

1. Dooro Tools, kadibna

2. Internet Options

3. Guji Security tab

4. Guji Custom Level

5. Hoos u soco ilaa option-ka lixaad si aad u aragto habka IE5 loogu maamulo, kuna badal Accept, Disable, or Prompt midkii aad doonto.

Hadii aad isticmaalayso Internet Explorer 4.0:

1. Dooro View, kadibna

2. Internet Options

3. Guji Advanced tab

4. Hoos u soco ilaa exclamation icon-ka jaalaha ah ee ka hooseeya Security markaasina dooro mid ka mid ah shanta options si sidii aad doonto aad ugu maamusho.

Internet Explorer 3.0:

Waxaa dooran kartaa View, Options, Advanced, kadibna guji batoonka ay ku qoran tahay Warn inta aadan dooran Accept Cookies.

Hadii aad isticmaalayso Netscape Communicator 4.0:

Guji

1. Edit, kadibna

2. Preferences

3. Guji Advanced

4. habee option-ada ku jira santuuqa Cookies.

[kor u noqo]

8. Sideed ku ogaanaysaa bogagga isticmaala Cookies-ka?

Hadii aad isticmaalayso Netscape 6.0:

Guji

1. Edit, kadib

2. Preferences

3. Guji Advanced

4. Guji Cookies

5. Guji batoonka View Cookies

Hadii aad isticmaalayso Internet Explorer 5.0 or 6.0:

1. Dooro Tools, kadibna

2. Internet Options

3. Guji General tab

4. Guji Settings

5. View Files

Hadii aad isticmaalayso Internet Explorer 4.0:

Guji:

1. View, kadibna

2. Internet Options

3. Tab General hoostiis (the default tab) Guji

4. Settings

5. View Files.

Internet Explorer 3.0:

Guji:

1. View

2. Options

3. Advanced

4. View Files.

Netscape Communicator 4.0:

Netscape, wuxuu isugu geeyaa cookies-ka hal file oo ka mid ah hard drive-ka. file-kan waa in aad raadisaa, iyadoo hard drive-ku uu u yaqaano Cookie.txt barnaamijyada window-ga.

[Kor u noqo]

9. Sida aad u arki karto code-ka cookie-gaaga

Guji cookie si aad u furto. waxaad arkaysaa qoraal kooban iyo nambaro. nambaradu waa kaarkaaga aqoonsiga, laakiin waxaa arki kara oo kaliya cidda ku siisay cookie-ga.

[Kor ku noqo]

British Broadcasting Corporation © 2001-2002

Broadcasting House,

Portland Place,

London,

 
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin