| ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Gacansiin Isticmaalka Barta Internet-ka BBC-da Waxaan kugu caawinaynaa sidii aad uga faa'iidaysan lahayd bogga. Ma dhib baa kaa haysta dhagaysiga? Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo in aad rakibato audio player? Bartan, waxaad ka dhagaysan kartaa dhamaan barnaamijyada BBC-da laanta af-soomaaliga. Idaacadda aad doonayso in aad dhagaysato waxaad ka xulan kartaa liiska dhagaysiga ee dhinaca midig ee barta internet-ka BBCda Soomaaliga. 1. Guji calaamadda dhagaysiga Idaacadda aad doonayso, waxaad maqlaysaa barnaamijka. 2. Bogga kuu soo baxa, waxaa ku qoran akhbaar gaaban oo ku saabsan faahfaahinta barnaamijka aad dhagaysanayso iyo calaamadda dhagaysiga oo ay ku qoran tahay dhagayso. 3. Guji calaamadda Daar Raadiyaha si aad u bilowdo dhagaysiga. Sida aad u helaysi barnaamijka Audi Player 1. Guji barta kore, waxaa kuu soo baxaya form laguugu waydiinayo akhbaartaada. buuxi form-kan kadibna guji batoonka ku yaalla qaybta hoose ee bogga. 2. Marka ay daaqad kuu soo baxdo dooro Save to disk kadibna u cadee halka aad doonayso in barnaamijka lagu kaydinayo. 3. Barnaamijka marka uu dhameeyo soo dajinta, waxaa lagu waydiinayaa in aad damacsan tahay in aad ku rakibto computer-kaag. Marka aad rakibto, guji calaamadaha dhagaysiga ee barteenna tii aad doonto, waxaad dhagaysan karaysaa barnaamijyadeena. hadii wali uu dhib kaa haysto dhagaysiga barnaamijyada la xiriir help@real.com si ay u xaliyayaan dhibaatooyinka kaa haysta dhagaysiga. |
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||