|
Ayaan Xersi oo been sheegtay | ||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Ayaan Xersi Magan oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Netherlands, kuna caan baxday dhaliisha ay u soo jeediso Islaamka ayaa loo soo jeediyay in ay ka fariisato baarlamaanka, ka dib markii ay qirtay in ay been sheegtay markii ay qaxootinnimada isaga dhiibeysay dalkaas. Ayaan oo ka tirsan xisbiga VVD ee Liberal-ka ah, oo ka tirsan Isbahaysiga dowladdu, waxay soo caan baxday sannadkii 2004, markii uu nin muslimiinta dirirta ah uu dilay Theo van Gogh oo agaasimay filim ay sheekadiisa Ayaan lahayd, oo diinta Islaamka ku eedeynayay in ay haweenka cabburiso. Warkan oo uu sheegay sarkaal sare oo xisbigeeda ka tirsan, waxaa uu ka dambeeyay Telefishin Netherlands laga leeyahay oo Ayaan ka sameeyay barnaamij uu ku dabagelayo taariikhdeeda. Wuxuu wareystay xubno qoyskeeda ka tirsan, oo u sheegay in aan Ayaan lagu khasbin guur, wax ay ka soo baqatayna aanay jirin. Sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters waxay Ayaan qirtay in ay ka been sheegtay markii ay magangelyada weydiisaneysay. Laakiin Ayaan waxay ku doodeysaa in arrintaa la ogaa tan iyo sannadkii 2002, markii xisbiga VVD uu xubin baarlamaan iyada u soo rashaxayay. Markii ay dalka soo gashay waxay sheegatay in ay ka timid Soomaaliya, laakiin waxaa caddaatay in ay ka soo gashay dalka Jarmalka, ka horna ay soo martay Kenya. Dadka magangelyo doonka ah waxaa nidaamku yahay in ay iska dhiibaan dalka ugu horreeya ee ay yimaadaan marka ay dalkooda ka soo cararaan. Ayaan oo hadda 36 jir ah, waxaa dhalay Xersi Magan oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah. Dad badan oo muslimiin ah ayay ka careysiisay marka ay samaysay filim muujinaya haweeneey qaawan oo jirkeeda ay ku xardhan yihiin aayadaha quraanka, kana eed sheeganeysa. Tan iyo markii filimkaa la dhigay Ayaan waxay ku nooshahay dhuumasho iyada oo ilaalo u khaas ahna loo sameeyay. | |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| |||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||