|
|
 |

 |
 |
 |
| Taarikhda |
 |
 |
| Odoyaal Soomaaliyeed oo soo booqdey BBC-da 1959-kii. |
 |
Laanta Soomliga ee BBC-du waxa ay shaqadeeda bilawdey 18-kii Luuliyo, 1957-kii, waxana lagu bilaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii daqiiqo ee idaacadda maalin walba
Markii ugu horreysay, subaxnimada waxa la sii deyn jirey wararka caalamka, gelinka dambena waxa la sii deyn jiray faallo ku saabsan wararka wakhtigaas taaganaa. Hase ahaatee, 1dii luulyo, 1961-kii (Sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya) ayaa labadii barnaamij ee ahaa warka iyo faallada ee labada wakhti kala bixi jirey la isku darey, waxana la kordhiyey oo kale wakhtigii barnaamijka oo halkii uu 15-ka daqiiqo ka ahaa ayaa laga dhigay 30 daqiiqadood (1430 - 1500 GMT oo ku beegan 530 - 600 pm wakhtiga Geeska Africa). Ugu dambayntii 25-kii Maarso ee 2000 ayaa la kordhiyay waqtiga Laanta Soomaaliga, ayadoo uu isku badalay sidan:
Muddadi sanadaha ahayd ee u danbeysey ayaa Laanta waxa u suurta gashey - markii ugu horreysey - in ay sameyso weriyeyaal wararka uga soo dira Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo. Taasina waxa ay keentay in Laantu xog-ogaal u ahaato arrimaha dhinaca siyaasadda iyo kuwa bulshadaba ee Soomaaliya. Weriyeyaashaas joogga meelaha kala gadisan waxa ay ku dadaalaan, oo mararka qaarkoodna ay naftoodaba khatar u geliyaan in ay wararka soo gaadhaya xaqiiqada ka gaadhaan isla markaana ay hubiyaan wixii run ah iyo wixii kale.
Sabti-Arbaco oo aad dhagaysan kartaan 45-daqiiqadood galab kasta laga bilaabo 1415 GMT (Waqtiga Caalamiga ah) ayadoo Khamiista-Jimcaha laga dhigay hal Saac, idaacada habeenk oo ah 30 Daqiiqadood waxba iskama badalin. Wakhtigaas ayaa noqday wakhti aad ugu habboon dhegeysiga BBC-da oo dalalka Geeska Africa ee dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.
|
 |
 |
Dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin. |
|
 |

| NAGALA SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH

|
Tel:+ 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374 |
|