bbc.co.uk navigation

Laanta Soomaaliga

Laanta Soomaaliga ee BBC waxa ay shaqadeeda bilawday 18-kii Luuliyo 1957, waxaana lagu bilaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah, ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii daqiiqo ee idaacadda maalin walba.

Markii ugu horreysay, subaxnimada waxa la sii deyn jirey wararka caalamka, gelinka dambena waxa la sii deyn jiray faallo ku saabsan wararka wakhtigaas taaganaa.

1dii luulyo, 1961-kii (Sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya) ayaa labadii barnaamij ee ahaa warka iyo faallada ee labada wakhti kala bixi jirey la isku darey, waxaana la kordhiyey wakhtigii barnaamijka oo halkii uu 15-ka daqiiqo ka ahaa ayaa laga dhigay 30 daqiiqadood (1430 - 1500 GMT oo ku beegan 530 - 600 pm wakhtiga Geeska Africa).

25-kii Maarso ee 2000 ayaa la kordhiyay waqtiga Laanta Soomaaliga, ayadoo uu isku badalay sidan:

Muddadii sanadaha ahayd ee u danbeysey ayaa Laanta waxaa u suurta gashey - markii ugu horreysey - in ay sameyso weriyeyaal wararka uga soo dira Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo. Taasina waxa ay keentay in Laantu xog-ogaal u ahaato arrimaha dhinaca siyaasadda iyo kuwa bulshadaba ee Soomaaliya.

Weriyeyaashaas joogga meelaha kala gadisan waxa ay ku dadaalaan, oo mararka qaarkoodna ay naftoodaba khatar u geliyaan in ay wararka soo gaaraya soo xaqiijiyaan, isla markaana ay hubiyaan wixii run ah iyo wixii kale.

Waxaa kaloo la soo kordhiyay Idaacadda 2-da duhurnimo saacadda geeska Afrika oo u dhiganta 11:00 GMT oo aanu ku soo qaadanno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka.

Wakhtigaas ayaa noqday wakhti aad ugu habboon dhegeysiga BBC-da ee dalalka Geeska Africa ee dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.

Aakhrikii waxaa idaacadda lagu soo kordhiyay 07:00 geeska Afrika oo la dhegeysto wararkii ugu dambeeyay.

Barta internertka ee ayaa iyaduna wararka si joogta ah u daabcda, iyada oo idaacaddana cod ahaan bartan looga dhegeysan karo meel kasta oo aad dunida ka joogto.

Waxaa haatan BBC-da xafiiska London ka shaqeeya:

Aaden Nuux Dhuulle
Aamina Musa Weheliye
Cabdiraxmaan Maxamed Aaden (Koronto)
Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq
Farxaan Maxamed Jimcaale
Kati Ciise
Maxamed Maxamuud Cadde
Siciid Cali Muusa
Yuusuf-Garaad Cumar Axmed
Yoonis Cali Nuur

Cabdirisaq Xaaji Maxamed (Siraad)
Cabdullaahi Xaaji
Axmed Cabdi Nuur

Telefoonada London:
+44(0)2075571631
+44(0)2075571630
+44(0)2075572568
+44(0)2075571632

Fax:+442074971374

Xafiiska Nairobi
Yusuf Xasan
Cabdirisaaq Catoosh
Maxamud Cali
Daud Aweys iyo
Bashkad Jugsoodhacay

Muqdisho
Maxamed Ibraahim Macallimuu
Maxamed Maxamuud Dhoorre

Hargeisa
Axmed Siciid Cige

Garowe
Axmed Kismaayo

Burco
Xuseen aw Jaamac Jibriil Xagar

Jabuuti
Kaltuun Maxamed Cali

Qaahira
Abdukar Maxamed Cabdi

Rome
Aden Maxamed Sabriye

Washington/Minneapolis
Maxamed Xaaji Xuseen

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.