Morocco oo saxiixday heshiis $1.25 bilyan

  • 28 Disembar 2013
Morocco waxaa ka jira shaqo la'aan badan gaar ahaan ardayda jaamacada ka qalin jabisa.

Qadar ayaa la saxiixday Morocco lacag dhan 1.25 bilyan oo dollar oo gargaar ah. Heshiiska ayaa la saxiixay markii Amiirka Qadar uu booqasho ku tagay Morocco.

Lacagta ayaa loogu tala galay in lagu dhiso kaabayaasha dhaqaalaha, in lagu xoojiyo dhaqaalaha iyo in lagu kordhiyo dalxiiska.

Morocco ayaa kordhisay mishaarka dadka dowladda u shaqeeya, iyo lacagta ay ku kabto cuntada iyo shidaalka, si ay uga hortagto kacdoonka ka dhacay dalalka carabta oo kale.

Laakiin waxaa cadaadis uga imanayaa amaah bixiyayaasha inay dhinto miisaaniyadeeda.