Britain oo wayday darajada AAA

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Febraayo, 2013, 12:21 GMT 15:21 SGA
Dhaqaalaha Britain

Dhaqaalaha Britain ayaa wxaa saamayn ku yeeshay hoos u dhaca dhaqaalaha Yurub iyo dowladda oo lagu leeyahay ammaah badan oo ay wali qaadanayso.

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay sii wadayso dadaalka ay ugu jirto inay yarayso lacagta lagu leeyahay dowladda kadib markii Britain laga qaaday darajada ugu saraysa ee AAA oo lagu qiimaynayay lacagta la amaahinayo.

Darajadan oo ah tan ugu saraysa ayaa u suurtogalisa Britain inay si raqiis ah kaga soo ammaahato lacag suuqyada lacagaha.

Britain ayaa hadda lacagaha ay soo amaahato dhiibta dulsaar dhan boqolkiiba laba.

Wasiirka Maaliyada ee Britain George Osborne ayaa sheegay hoos udhiga darajada lagu qiimeeyo amaahyada inay sii adkaysay sida loo baahan yahay in lagu yareeyo ammaahyda lagu leeyahay dowladda. Moody oo ah hayadda hoos u dhigtay darajada Britain ee ay lacagta ku ammaahato, ayaa sabab uga dhigtay go'aankeeda in kororka dhaqaalaha hoos u dhacay ee Britain, iyo yaraynta miisaaniyada dowladda ay sii soconayaan ilaa kala barka shanta sano ee soo socota.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.