Obama oo rajo ka qabo go'aanka miisaaniyada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 December, 2012, 11:57 GMT 14:57 SGA
Congress

Congoresska Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa sheegay inuu qabo rajo fiican in heshiis laga gaari karo miisaaniyada Maraykanka inta aan la gaarin waqtigii ay hirgali lahayd ee maalinta sanadka cusub.

Obama ayaa ku tilmaamay shir hal saac ah oo uu la yeeshay hogaamiyayaasha Congresska inuu ahaa mid fiican. Wuxuu ka digay in dadka Maraykanka dulqaadkooda uu sii yaraanayo, wuxuuna ku baaqay talaabo deg deg ah in la qaado intaan boqolaal bilyan oo Dollar oo canshuur la kordhiyay iyo misaaniyada oo la yarayn doono aysan bilaaban sanadka cusub.

Hadaan laga gaarin go'aan misaaniyada la yaraynayo, iyo canshuurta kordhi doonta, Madaxaweyne Obama ayaa sheegay inuu doonayo Congresska inuu u codeeyo sharci ka ilaalinaya dadka mishaarkooda dhexdhexaadka yahay in canshuurta ay ku kororto.

Miisaaniyada Maraykanka ee bilaabanaysa sanadka cusub ayaa canshuurta lagu kordhinayaa qof walba oo Maraykanka ku nool. Xisbiga Dimoqraadiga ee kukunka haya ayaa doonaya in aan canshuurta lagu kordhin dadka mishaarkooda dhexdhexaadka yahay ee hela ilaa $250,000, iyo in aan la goyn lacagta la siiyo dadka shaqo la'aanta ah.

Maxaa dhici doona hadii aan heshiis laga gaarin miisaaniyada

Canshuur la yareeyay waqtigii George W Bush xukunkiisa ayaa ku eg 01 Janaayo 2013 iyo miisaaniyada Maraykanka oo aad loo dhimayo.

$607bn misaaniyad la dhimayo iyo canshuur la kordhinayo ayaa qorshaysan oo ay ku jirto:

Misaaniyada Difaaca oo la yaraynayo.

Canshuur 2% oo la yareeyay waqtigii Bush oo dib loo soo celinayo 01 Janaayo 2013 taasoo saamaynaysa qof walba oo Maraykanka ku nool.

Isbadal lagu samayn doono adeega caafimaad ee lacag la'aanta ah ee la siiyo dadka waayeelka.

Waxaa la goynayaa lacagta la siiyo todobaadkii dadka mudada dheer shaqo laa'anta ahaa oo ah $300. Ilaa 2 milyan oo qof ayay saamaynaysaa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.