Apple oo ku dhawaaqday Iphone 5

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 September, 2012, 13:27 GMT 16:27 SGA

Iphone 5 waxa uu suuqa soo gelayaa 21 bishan wixii ka dambeeya

Shan sano ayaa laga joogaa markii Steve Jobs uu soo bandhigay mobile isbeddel weyn ku keenay isgaarsiinta.

Shirkadda adduunka ugu weyn ee Apple ayaa shalay waxa ay ku soo bandhigtay San Francisco Iphone 5.

Telefonkan cusub ee Iphone 5m, waa uu ka fudud yahay oo ka dheer yahay kuwii hore waxaana uu ku shaqeynaya 4G.

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay Iphone 5.

Laakiin rajo kasta oo laga qabay naqshad hor leh in ay soo saaraan Apple ma aanay dhicin.

Iphone 5-ka cusub waxa uu u eg yahay 4S.

Nasiib darro qiimaha wax sidaa u weyn iskama aanu isbeddelin, laakiin ugu yaraan 4S iyo 4 qiimaha ayaa laga dhimi doonaa.

Waxa uu leeyahay kamero ka fiican kuwii hore, isla markaana waxa uu wataa barnaamijyo cusub oo aanay lahayn telefoonadii ka horreeyay.

Waxa suuqa uu soo geli doonaa 21 bishan Sebtember.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.