BBC navigation

Qorshe lagu soo rogayo shirkadaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 September, 2012, 15:03 GMT 18:03 SGA

Kaararka ay dadku u isticmaalaan inay wax ku bixiyaan

Dowladda Britain ayaa bilaabeysa qorshe ay ku dooneyso inay ku mamnuucdo in shirkadaha ganacsida ay dadka ku soo rogaan lacago xad dhaaf ah oo la saarayo dadka isticmaala inay wax ku bixiyaan kaararka debit ama credit.

Qorshahan ayaa markiisi hore waxaa lagu dhawaaqay bishii Disember kadib markii uu ku taliyay xafiiska ganacsiga xaqa ah ee dalka.

Shirkadaha diyaaradaha, Tiyaarada iyo ganacsatada kale ayaa waxa ay inay sid cad marka hore u sheegaan lacagaha ay dadka ay ka qaadanayaan kaararkooda.

Dowladda waxaa sidoo kale ay xadidi doontaa inta dadka lagu dalacayo, taasi oo ah in shirkaduhu aanay faa'iido ka sameyn karin dadka.

Shirkadaha ma awoodi doonaan inay faa'iido ka sameeyaan lacagaha ay kaga qaataan kaararka deynta iyo kuwa debit marka ay macaamiishu isticmaalaan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.