BBC navigation

Ganacsiga daawooyinka iyo dalxiiska Tunisia

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 Mey, 2012, 15:47 GMT 18:47 SGA

Media Player

Tunisiya ayaa ah wadan aan lahayn qayraad badan oo dabiici ah ama warshado badan waxay lacagta ugu badan uu wadanka ka helaa dalxiiska.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Daawooyinka ayaa ah waxyaabaha daruuriga u ah biniaadanka, laakiiin waxay u tahay qatar wayn biniaadanka hadaan la ilaalin tayada daawooyinka iyo sharuuudaha dadka ka ganacdsada.

Sanad walba kumanaan qof ayaa ku dhinta adduunka oo laga iiibiyay daawooin been been ah oo sun ah.

Dr Saciid Cumar Muse wuxuu leeyahay Farmasiyaha Horn of Afrika ee Djibouti wuxuuuna bartay cilmiga daawoooyinka ayaan ka waraysanay ganacsiga daawoooyinka dalka Djibouti.

Tunisia

Tunisiya ayaa ah wadan aan lahayn qayraad badan oo dabiici ah ama warshado badan waxay lacagta ugu badan uu wadanka ka helaa dalxiiska. ilaa sanadkii 2010ka waxaa sanad kii imaan jiray Tunisa 7 milyan oo qof oo dalxiisayaan ah.

Laakiin rabshadihii ka dhashay kacdoonkii sanadkii hore ayaa hoos u dhigay dalxiiskii Tunisiyya afartan boqolkiiba.

Tunisiya ahada waa meel amaan ah hadaba siday daklxiisayaasha u imanayaan Tunisia.

Wariyaha BBCda Simon Atkinson ayaa ka waramaya

Daymahayar yar

Hay'dda KAABA waxay ka mid tahay hayadaha dhiiba daymaha amaahda yar yar magaalada Hargaysa. Wadamada deeqaha bixiya ayaa kord inay deeqo siiyan shirkadaha iyo hayadaha daymaha yar yar bixiya si ganacsatada yar yar ay u helaan lacag ay ganacsi ku samaystaan.

Hayada Kaaba ayaa bilowday mashruuc amaah ay ku siineyso kombuyuutarro dhallinyarada iyo ganacsatada yar yar ee aan awoodi karin inay iibsadaan kombuter ay ku shaqeystaan .

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.