BBC navigation

BRICS oo sheegay inay samaynayaan bangi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Maarso, 2012, 17:12 GMT 20:12 SGA
Shanta hogaamiye ee dalalka Bricks

Shanta hogaamiye ee Brazil, Ruushka,Hindiya,Shiinaha iyo Koonfur Afrika

Hogaamiyayaasha shanta dal ee ugu wayn ee dhaqaalahoodu soo koroya ayaa ku taliyayay inay sameeyaan bangi horumarineed oo la tartama Bangiga Adduunka .

Hogaamiyayaasha shanta dal ee Brazil, Ruushka. Hindiya Shiinaha iyo Koonfur Afrika oo la isku dhaho Brics, ayaa ku taliyay inay isla samaystaan xiriir ganacsi iyo mid lacag oo dhow si ay u yareeyaan ku tiirsanaantooda Yurub iyo America.

Shantan wadan ayaa dhaqaalahoodu u dhignmaa labaatan iyo siddeed boqolkiiba dhaqaalaha adduunka.

Isagoo ka hadlaya xaalada Syria iyo bariga dhexe ayaa Raiisalwasaaraha Hindiya Manmohan Singh uu ka digay in la qaado talaabo wax u dhinta suuqyada shidaalka aduunka iyo ganacsiga.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.