13 Oktoobar, 2011, 11:42 GMT 14:42 SGA

Deutsche Bank oo ka digaya qatar

Dexia Bank oo laga leeyahay faransiiska iyo Belgium

Dexia Bank oo laga leeyahay Faransiiska iyo Belgium ayaa ka mid ah bangiyada dowladaha ay badbaadinayaan oo daymaha badan ku leh Gariiiga

Mid ka mid ah bangiyada ugu wayn Yurub Deutsche Bank ayaa dhaleeceeyay qorshaha lagu xalinayo dhabaatooyinka daymaha Yurub .

Josef Ackermann oo ah madaxa Bangiga Deutsche Bank, ayaa hadlay ka dib markii Midowga Yurub ay soo bandhigeen qorshe ay ka mid tahay in lagu qasbo bangiyada, inay lacag badan ay kaydsadaan si ay u xoogeeyaan lacagta ay haystaan hadii dalka Gariiga iyo waddamada kale ee Yurub ay bixin waayaan daymaha ay bangiyada ku leeyihiin.

Tan micnaheedu wuxuu yahay in bangiyadda hadii ay lacago aysan ka daysan karin suuqyada lacacagaha waa inay ka daynsadaan dowladaha.

Waxaa kaloo jiro qatar ah in bangiyadda ay daymo siin waayaan ganacsatada, sababtoo ah waxaa laga rabaa lacag badan oo kayd ah. Taasna waxay keenaysaa in dhaqaalaha yurub uu hoos u dhaco hadii ay bangiyada yareeyaan daymaha ay bixiyaan.

BBC navigation

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.