BBCSomali.com
great lakes
swahili
french
arabic
brasil
hausa
portugues for africa
Other Languages
 
06 Sebtembar, 2008 - Published 05:10 GMT
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
Dood ku saabsan hab-dhismeedka DKMG
 

 
 
Masuuliyadaha labada masuul ayaan kala caddeyn
Masuuliyadaha labada masuul ayaan kala caddeyn
Barnaamijka Falanqeynta waxa looga doodayaa qaab- dhismeedka DKMG oo ah mid baarlamaani ah, iyadoo eysan kala caddeyn awoodda fulinta ee labada masuul ee DKMG.

Tan iyo markii Dowlad KMG ah lagu soo dhisay tuulada Carta ee dalka Djibouti, sanadkii 2000, qaab-dhismeedka dowladdaas, iyo midda KMG ah ee hadda jirtaba loo soo dhisay, wuxuu ahaa madaxweyne kaalintiisu tahay inuu hoggaamiyao dalka, iyo ra'iisul wasaare doorkiisu yahay inuu hoggaamiyo xukuumadda.

Ha yeeshee waxaa marar badan dhacda inuu ra'iisul wasaaruhu isku dayo inuu dalka hoggaamiyo, madaxweynuhuna uu xukuumadda horkoco.

Taas ayaa aalaaba dhalisa khilaaf ka dhex abuurma labada masuul ee dalka ugu sarreeya. Natiijada khilaafyadaas ayaa waxay inta badan ku dhammaadaan ra'iisul wasaarayaasha oo shaqada laga eryo, sidii ku dhacday Cali Khaliif Galayr iyo Xasan Abshir oo dowladdii Carta wasiirrada koobaad ka ahaa, iyo Cali Max'ed Geeddi, oo xukuumadda hadda jirta hoggaamin jiray.

Khilaaf kaas lamid ah ayaa tan iyo mar aan sidaas usii fogeyn ka dhaxeeyey ra'iisul wasaaraha DKMG, Nuur Cadde, iyo Madaxweyne C/llahi Yusuf.

Khubarada qaar ayaa qaba in qaab-dhismeedka dowladda, iyo kaalimaha labada masuul oo aan kala caddeyn, ay saldhig u yihiin khilaafyada soo noqnoqday ee u dhaxeeya madaxweynayaasha iyo ra'iisul wasaarayaashooda.

Barnaamijka Falanqeynta maanta, waxaan isku weydiin doonnaa qaab-dhismeedka dowladeed ee ku habboon duruufaha Somaliya, annagoo ka doodi doonna labada qaab-dhismeed ee inta badan caalamka laga isticmaalo, oo kala ah midka barlamaaniga ah, iyo mid madaxtooyo, kaasoo awood ballaaran siinaya madaxweyne isku ah hoggaamiyaha dalka, iyo kan xukuumaddaba.

Dooddan waxaan dhawaan ku qabannay Jaamacadda Alberta ee dalka Canada. Ka sokow dhageystayaasha, oo isugu jira ardayda jaamacaddaas iyo jaaliyadda Soomaalida ee Gobolka Alberta, waxaa barnaamijka ka qeyb qaadanaya aqoonyahannada kala ah:

Prof. Xuseen Warsame, oo macallin ka ah Jaamacadda Calgary ee isla gobolkan Alberta ee Canada.

Cabdulwaxid Sheekh Cusmaan Qalinle, oo ah garyaqaan sharciyada ka dhiga jaamacadda Minnesota.

Iyo Afyare Cabdi Cilmi, oo shahaadada sare ee PhD-da ku diyaarinaya jaamacadda aan martida u nahay ee Alberta, culuumta siyaasaddana

 
 
Magaca
Magaca Awowga*
Cinwaanka
Wadanka
Email
Telefoonka*
* Iqtiyaari
Fikradaada
 
  
BBC-du way dhici kartaa in ay tifaftirto fikradaada mana ballanqaadayso in dhamaan email-kaaga la daabaco.
 
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
 
 
Boggan email ugu dir saaxiib   Daabac
 
 
 
BBC Copyright Logo ^^ Kor ku noqo
 
  Wararka | Ciyaaraha | Falanqeynta | Barnaamijyada | Mawjadaha | Saadaasha Hawada
 
  BBC News >> | BBC Sport >> | BBC Weather >> | BBC World Service >> | BBC Languages >>
 
  Privacy | Warsidaha Emailka BBC-da | Laanta Soomaaliga | Nagala soo xiriir | Gacan-siin