|
Algeria wey badisay
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Algeria ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee Africa u soo baxa koobka adduunka.
Guushaas waxay xaqiijisay ka dib markii ay 1 iyo 0 uga badisay Masar. Cayaartu waxay ka dhacday magaalada Khartoum. Cayaarta waxaa ka dhashay cabsi xagga ammaanka ah, ka dib markii xamaasaddu ay gaartay heer khatar ah. Waxaa ammaanka ilaalinayay kumanyaal booliska Sudan ah. Waxaa lugtii hore lagu cayaaray Qaahira oo Masar ayaa 2 iyo 0 ku badisay. Halkaas waxaa lagu weeraray baskii ay saarnayeen cayaartooyda Algeria, halkaas oo afar ka mid ah ay dhaawacyo ka soo gaareen. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||