|
Dhaawaca John Terry
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kabtanka kooxda kubadda cagta ee England, John Terry, ayaa ka maqnaan doona ciyaarta saaxiibtinimo ee maalinta Sabtida ah
dalka Qadar ku dhexmaraysa England iyo Brazil.
Tababaraha kooxda England Fabio Capello, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ciyaaryahankan oo 28 jir ah uu diyaar u ahaan doono ciyaarta, balse wuxuu sheegay in uu ku dhaqaaqi doono in uu adeegsado difaaca Chelsea. Waxaa kaloo kooxda ka dhaawacmay ciyaaryahanka Frank Lampard oo Khamiistii u soo duulay England iyadoo uu cajarka ka dhaawacmay. Ciyaaryahanada kale ee ciyaarta binjiga ka daawanaya waxaa ka mid ah Geln Johnson, Rio Ferdinand, Steven Gerrard, Ashley Cole, David James, Theo Walcott iyo Emile Heskey, iyadoo sidoo kale ay maqan yihiin David Beckham, Aaron Lennon, iyo Calton Cole. Dhinaca Brazil, ayaanay cidina ka maqnayn, inkastoo uu tababaruhu ka tagay Ronaldinho iyo Alexandro Pato. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||