|
Koobka oo maraya Nairobi
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xaflad ballaaran oo lagu qabtay gegida diyaaradaha ee caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayey Madaxweynaha
iyo Raiisal wasaaraha Kenya, ku soo dhoweyeen koobka dahabka ka sameysan ee la doonayo in la guddoonsiiyo kooxdii ku guulaysata
tartanka kubada cagta ee caalamka ee la qaban doona sannadka soo socda .
Koobka ayaa muddo laba bilood ahba haatan lageynayey caasimadaha qaarada africa, si malayiinta aan awoodin in ay u safraan dalka koonfur africa oo ay uu ka dhici doono tartanka kubada cagta ay fursad ugu helaan in ay arkaan koobkan Waxa ilaa haatan la soo marsiiyey 34 waddan iyadoo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo 86 waddan, oo 50 ka mid ah ku yalaan africa.. Safarkiisu waxa uu ka soo bilaabay magaalada qaahira ee dalka masar, dhamaadkii bishii septembar. Xiriirka caalamiga ee Kubada cagta ee Fifa, waxa uu sheegay in safarkani yahay kii ugu dheeraa ee ebid loo maro in la soo bandhigo koobka, wuxuuna qaadanayaa 225 malmood, iyo masaafo kor u dhaafaysa 134 kun oo KM. Waxa lagu safrinayaa koobka, diyaarad khaas ah, oo ay dib u habeyn ku samaysay shirkad laga leeyahay dalka koonfur africa... Koobka misaankiisa waa lix kg. Kenya ka mid ah waddamada ka qeybgala tartanka, waayo waa ay ku guulaysan weyday inay ku soo baxdo tartankii isreereebka ee xulalka qaranka. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||