|
Roma Vs Fulham
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Tartanka koobka Europe, ayaa kooxda Rome fara cidi leh kaga badisay kooxda reer England ee Fulham ee galbeedka magaalada London
ka dhisan.
Ciyaarta qaybtii hore waxaa ku ganac sareeyay kooxda Fulham oo marti u ahayd Roma. Ciyaarta oo socota 19 daqiiqo, ayaa rigoore loo dhigay Fulham, waxaa ka xareeyay kooxda Roma ciyaaryahankooda Kamara. Fulham, oo lala yaaban yahay dardarta ay ku socoto, iyadoo dhowaanna kooxda Liverpool garaacday, ayaa laga saaray oo calaamadda guduudan loo taagay ciyaaryahankooda Erik Nevland. Waxaa Fulham ay ku qasbanaatay in ay dib u degto oo wareerkii badnaa yarayso, waxaase ciyaarta oo maraysa 69 daqiiqo gool barbardhac ah ka dhaliyay John Arne Riise. Qiyaarstii todoba daqiiqo kadibna waxaa goolka labaad u dhaliyay Roma, Stefano Okaka Chuka. Dhinaca dhibcaha, Group-ka ay labadan koox ku wada jiraan ee E, waxaa 9 dhibcood ku hogaaminaysa Basle, Roma ayaa ku xigta oo badiska uu geeyay booskaas, iyadoo ay markii hore ka horaysay Fulhan oo hadda kooxda sadexaad ah oo 5-tii dhibcood ee ciyaartan ka hor wali haysata, waxaana Group-ka ugu hoosaysa kooxda CSKA Sofia. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||