|
Xannibaadda Chelsea
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Xannibaaddii lagu soo soo rogay kooxda kubadda cagta ee Chelsea ee ahayd in aanay cayaartooy soo iibsan karin ayaa si ku meel
gaar ah loo hakiyay.
Go'aankan ayaa waxa gaaray maxkamadda dhinaca cayaaraha ee (Cas), taasi oo go'aan kama dambeysa ah ka gaari doonta. Fifa ayaa waxay horey u xukuntay in naadiga Chelsea aanu saxiixi karin heshiis cayaartooy cusub oo ku soo biirta kooxda ilaa sanadka 2011, kadib markii lagu eedeeyay inay heshiiskii cayaraayahan Gael Kakuta ee kooxda Lens ay jabiyeen. Kooxda Chelsea ayaa waxa ay go'aanka Fifa ka qaadatay racfaan. Go'aankan ayaa waxa micnihiisu yahay in Chelsea ay awooddo inay heshiis la saxiixato cayaartooy bisha January. Lama sheegin xilliga ay go'aan kama dambeys ah ka gaari doonto maxkamaddu arrintan. |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||