|
Adiyiah oo ku biiraya AC Milan
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Cayaaryahanka reer Ghana ee Dominic Adiyiah ayaa lagu wadaa inuu ku biiro kooxda kubadda cagta ee AC Milan bisha January ee
soo socota.
Hadalkan ayaa waxaa sheegay ku xigeenka madaxa naadiga AC Milan Adriano Galliani, oo sheegay in heshiis ay la galeen cayaartooyga. Cayaaryahanka oo labaatan jir ah, ayaa gacan weyn ka geystay qaadistii waddankiisa ee koobka adduunka cayaartooyda ka yar 20 sano, oo uu ahaa cayaaryahanka ugu gool dhalinta.
Dominic Adiyiah waxa uu iminka u ciyaaraa kooxda Fredrikstad ee waddanka Norway, laakiin waxaa la filayaa inuu ku soo biiro
Ronaldinho iyo Beckham garoonka San Siro. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||