|
Mataanaha Manchester United
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Kooxda Mancehsted United, ayaa waydiisatay ururka maamulka kubadda cagta England in laga laabto kaarka digniinta ee jaalaha
oo loo taagay ciyaaryahankooda Fabio de Silva.
Waxaa calaadda digniinta la siiyay intii ay socotay ciyaartii Manchester United ay la lahayd kooxda Barnsley tartanka Carling cup-ka. Fabio ayaa jaalaha qaatay kadib qalad uu galay walaalkiisa mataanaha ay yihiin ee Rafael. Xiriirka kubadda cagta ee FA, ayaa cadeeyay in Manchester United ay dalbatay in wax laga badalo go'aanka digniinta, waxaana xiriirku sheegay in tallaadada uu guddi ka fariisan doono. Labada mataanaha oo u dhashay Brazil oo 19 sano jiraa waxay gacan ka gaysteen guushii ay Manchester United ku gaartay sideedda koox ee isugu soo haray tartanka Carling cup. |
QODOBADA WARKA UGU HOREEYA
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||