|
Barnaamijyada
Raadiyaha:
Barnaamijyada
Afafka oo loogu tallogalay dhageysteyaasha Soamlida ah ee doonaya
inay Ingiriiskooda kororsadaan:
Ingiriiskaaga waxaad ka kororsan kartaa World Service-ka saacadahu
markay yihiin 1400 ilaa 1415, todobaad walba Isniinta ilaa Jimcaha.
ISNIINTA: Look
Ahead
(Tan iyo dhammaadka Oktoober)
Taxanahan oo ka kooban qubane xiiso leh oo isugu jira miyuusik, sheekeysi
iyo maaweelo kale waxa uu ka bilaabmayaa heerka dugsiga hoose waxana
uu gaarsiinayaa ardeyga ilaa heer dugsi dhexe. Bilaw ilaa heer Dugsi
Dhexe.
TALAADADA:
Now You're Talking
(Tan iyo dhammaadka Sebtember)
Waxa uu ka kooban yahay habka weydiinta wararka, cabashada iyo raalligelinta.
Taxanahani waxa aad ku baraneysaa sidii aad Ingiriiska ugu cabiri
lahayd arrimahaas. Haddii Ingiriiskaagu uu yar yahay ha welwelin
mowduuc kastaaba waxa uu ku bilaabmayaa habka ugu fudud ee aad u
oran karto maadada aad ka hadleyso waxana loo gudbi doonaa siyaalaha
kale ee ugu fiican uguna sarreeya ee aad u oran karto isla hadalkaasi.
Heer asaasi ah ilaa heer Dugsi Dhexe.
ARBACADA: As a Rule
(waxay dhammaanayaan bilawga Luuliyo)
& English Express
(Tan iyo dhammaadka Oktoober)
English Express:
Waxa looga dan leeyahay in uu ka caawiyo ardeyda baraneysa Ingiriiska
in ay ku dhegeystaan isla markaana ku isticmaalaan Ingiriiskga xaalado
run ah. Toddobaad kasta arday ka mid ah ardayda Ingiriiska barata
ayaa loo dirayaa hawl caadi ah oo suuqa lagu sii deynayaa, waxa
uu weydiinaya dadka ka soo hor baxa in loo tilmaamo meesha uu doonayo
in uu tago, suuqa in uu wax ka soo iibsado, in uu makhaayad cunto
ka dalbado, telefoonka in uu ku hadlo, IWM.Ka dib marka wakhti yar
lagu soo tijaabiyo Stuudiyaha English Express, ayaa ardeygaasi suuqa
lagu sii deynayaa si loo ogaado heerkiisa barshada Ingiriiskooda.
Heer Dhexe oo Asaasi ah ilaa Heer Dhexe.
KHAMIISTA: The English Quiz
(Tan iyo dhammaadka Juunyo) Waxana xigi doona
& Quiz Bus
(Tan iyo dhammaadka Agoosto)
The English Quiz:
Ku biir kooxo ka tirsan ardey ajaanib ah oo caalamka oo dhan ka
kala yimid oo ku jira Dugsiyada Brashada Ingiriiska oo u tartamaya
in ay ku guuleystaan jaa'isadda BBC World Service English Quiz.
Barnaamij kastaa waxa uu ka kooban yahay saddex wareeg ama qeybood:
Waxa ka mid ah su'aalo la iska weydiinayo fasiraadda erayada, higaadda
erayada, weedhaha halku-dhegga noqda, naxwaha, tuducyo heeso ah
iyo mawaadiic kale oo xiiso leh oo la xiriira barashada Ingiriiska.
Heer Dugsi Dhexe.
Quiz Bus:
Fuul Baska Su'aalaha (Quiz Bus) oo ku wareegaya Caasimadaha Adduunka.
Toddobaad kasta laba kooxood oo arday Ingiriiska barta oo kooxina
saaran tahay qeybta hoose, kooxda kalena dusha baska ayaa ka jawaabaya
su'aalo uu weydiinayo daba-ka-fuulka ama lacag-ururiyaha basku.
Si basku uu xawliga uu ku socdo loo kordhiyana waxa jira wareeg
su'aalo degdeg looga jawaabayo. Heer Dugsi Dhexe.
JIMCAHA: Now You're Talking
(Tan iyo dhammaadka Sebtember).
Waxa looga dan leeyahay in uu ka caawiyo ardeyda baraneysa Ingiriiska
in ay ku dhegeystaan isla markaana ku isticmaalaan Ingiriiska xaalado
run ah. Toddobaad kasta ardey ka mid ah ardeyda Ingiriiska barata
ayaa loo dirayaa hawl caadi ah oo suuqa lagu sii deynayaa-waxa uu
weydiinaya dadka ka soo hor baxa in loo tilmaamo meesha uu doonayo
in uu tago, suuqa in uu wax ka soo iibsado, in uu makhaayad cunto
ka dalbado, telefoonka in uu ku hadlo, IWM.Ka dib marka wakhti yar
lagu soo tijaabiyo Stuudiyaha English Express, ayaa ardeygaasi suuqa
lagu sii deynayaa si loo ogaado heerkiisa barshada Ingiriiska. Heer
Dhexe oo Asaasi ah ilaa Heer Dhexe.
Frequencies:
13, 19 & 25 oo
u dhigma KHz 21490, 15420, 11860. |