 |
 |
 |
 |
 |
| Waxbarashada |
 |
| Laanta Soomaaligu waxa ay sameysaa Barnaamijyo Waxbarasho oo ka hadlaya mawduucyo kala duwan oo qaarkood xasaasi yihiin. |
 |
 |
| BARNAAMIJKA CARUURTA SOMALIYEED |
 |
 |
(Somali)
(Prog 1 - 01 Febraayo 2001) |
 |
Waxaad halkan ka dhagaysan kartaa barnaamijyo Laanta Somaliga ee BBC-du ugu tala gashay in ay u tebiso caruurta Somaliyeed. Barnaamijyadaasu waxay isugu jiraan sheekooyin caruureed Somali ah, casharo waxbarasho iyo aqoon kororsi ah.
Waxaa kale oo aan ku soo qaadnaa barnaamijyadaas doodo caruurta dhexmara,heeso,music iyo salaamo ay isu gudbinayaan.
Barnaamijyadaasu waxay bilowdeen -
|
|
 |
| 1dii Febraayo waxayna socon doonaan tan iyo 29ka Marso, 2001.
|
 |
 |
| SIDEE LOOGA HORTEGI KARAA CUDURKAN? |
 |
 |
(Somali) |
 |
Cudurka loo yaqaanno Aids waxa uu haatan noqday dile khatar ku ah calamka oo dhan - ma laha xuduud. Sidaasi awgeed, waxa isna sii xoogeysanaya dadaalka caalamiga ah ee ku saabsan ka hortagga faafitaanka cudurkaas,
taas oo ay ka mid tahay barnaamijyada wacyi gelinta oo la isku dubarido. Laanta Somaliga ee BBCda iyo heyada Health Unlimited ee dalkan Ingiriisku waxay dhawaan iska kaashadeen barnaamijyo taxane ah oo ka kooban shan qaybood oo ku saabsan cudurkaasi Aids/Hiv virus.
Mawaadiicdi ugu muhiimsan ee ay ka hadlayaanna waxa ka mid ah: Sidee la iskaga ilaalin karaa cudurkaas? sidee loo kala qaadaa amma aan loo kala qaadi karin? iyo naxariista loo baahanyahay in loo muujiyo qofkii cudurkaasi qaada?
|
|
 |
| First broadcast 4.10.99 |
 |
 |
GUDNIINKA IYO QODOBKA HAWEENKA: WAX ISBEDEL AHI MA MUUQDA MUSTAQBALKA?
|
 |
 |
(Somali) |
 |
Eeg qoraalka macalimiinta |
 |
Dhulka miyiga ah ee arlada Soomaaliyeed in ka badan boqolkiiba sagaashan dumarka wali waa la gudaa (Qodbaa). Qodobka ama gudniinka gabdhuhu waa arrin xasaasi ah oo muddo dheer qarsoodi ahayd, shisheeyahana laga qariyo. Dhawaan ayuunbay bilaabantay in si qayaxan looga hadlo habdhaqankaas.
Taxanahan tobanka barnaamaj ah ee ka baxay laanta Soomaaliga ee idaacadda BBCda, waxaa soo saare Maxamuud Ducaaleh oo socdaal dheer ku maray meelo badan oo ka mid ah dhulka ay Soomaalidu degto .Ujeeddada taxanuhu waa in si furan looga hadlo amuurahaas iyo in la baaro bal in wax isbeddel ahi uu jiro. |
|
 |
| Qeybta 2aad |
| Hardhaca qeybtan waxa aad ku maqli doontaan Maxamuud Ducaale, ka dibna Cambaro oo gabdhaha gudda oo ka hadlaysa farsamooyinka ay adeegsato. Dhakhtar ayaa ka dibna ka sheekeynaya dhibatooyinka uu caafimaada dumarka gaadhsiiyo gudniinka iyo qodobku. |