Ghana: Eedeymo ururka KC ee Ghana

  • 23 Juunyo 2014
Kooxda qaranka ee Ghana

Gudoomiyaha Ururka kubadda cagta ee Ghana Kwesi Nyantakyi, ayaa dacwaynaya jaraa'idka Daily Telegaraph, kadib markuu sheegay inuu ogolaaday in Ghana ciyaarto ciyaaro la sii dajiyo natiijadooda.

Eedeynta ayaa timid kadib baaritaano ay sameeyeen telefishinka Channel 4 iyo jaraa'idka. Kwesi Nyantakyi ayaa BBC u sheegay, in waxa la daabacay aysan run ahayn.

Gudoomiyaha FIFA ee Ghana ayaa u yeeray boliiska si ay u baaraan.

Baaritaanada la sameeyay ayaa sheegtay laba qof inay ku lug leeyihiin eedeynta, taasoo sheegtay ciyaaro saaxiibtinimo oo natiijada la sii ogyahay oo Chana ay ciyaarto.

Eedaymaha ayaan la xiriirin ciyaaraha koobka adduunka. Warbixinta ayaa sheegtay in Nyantakyi uu aqbalay in Ghana ay ciyaarto laba ciyaar koobka adduunka kadib.

Qoraal ay soo saartay Ururka Kubadda cagta ee Ghana, ayaa lagu sheegay in Ururka kubadda cagta ee Ghana ay ka codsatay boliiska Ghana, inay baaraan laba qof oo sheegay inay lacag siinayaan ururka kubada cagta ee Ghana si ay heshiis ula galaan.