Costa Rica oo Taliyaaniga ka badisay

  • 20 Juunyo 2014
Kooxda Costa Rica oo dabaaldegeysa

Kooxda dalka Costa Rica kaga qybgaleysa tartamada ciyaaraha kooba adduunka ayaa guul la yaab leh gaaray kadib markii ay garaaceen Taliyaaniga, oo ay ku tumeen hal gool iyo waxba.

Guushaasi Ayaana muujineysa in England ay bannaanka ka tahay tartamada oo aysan ka sii qeybgali doonin.

England oo labadeedii kullan ee ugu horeeyay laga badiyay waxay u baahneyd inay Italy badiso si ay usii noolaato, balse kubad uu soo laalay Diaz oo uu madaxa ku dhaliyay ciyaaryahan Bryan Ruiz ayaa Costa Rica u suurta gelisay inay halk gool iyo waxba ay kaga badiyaan Taliyaaniga.

Ciyaaryahanka Taliyaaniga ee Mario Balotelli ayaa kooxdiisa ka qasaariyay fursad aad muhiim u ahayd si xittaa ay barbardhac u galaan.

Costa Rica, ayaa hadda hubsatay inay u gudubtay weraagga 16 ka koox si ay u sii adkeysato loolankeeda ay ku raadineyso helidda koobka.

Baloteli oo isku deyaaya inuu gool dhaliyo
Goolka laga dhaliyay kooxda Taliyaaniga
Halka gool ee Taliyaaniga looga badiyay oo madaxa lagu dhaliyay
Baloteli oo farsad uga ciyaaray Taliyaaniga