Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (2.3 Mb)

Taariikhda Kooxda Aljeeriya

12 Juunyo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 19:04 SGA 16:04 GMT

Xulka Qaranka kubadda cagta ee Aljeeriya ee lagu magacaabo Desert Foxes ee ka qeybgalaya ciyaaraha koobka adduunka, ayaa ah kuwo tayo leh, iyaga oo hoos iska soo dhisay, isla markaana fursado ka helay ciyaaryahano asal ahaan dalkooda kasoo jeeda, balse dalal kale u dheela.

Laacibiintaasi waxaa ka mid ah Zinedine Zidane, Karim Benzema iyo Samir Nasri, waxaana xulka Aljeeriya uu ku taamayaa in uu sare u qaado heerka uu kaga jiro ciyaaraha adduunka.

Xidigaha kubadda cagta adduunka sida Diego Maradona, Rivaldo, iyo weliba Javier Zanetti, ayaa doonayay in ay tababare u noqdaan xulka Aljeeriya koobka adduunka ee 2014-ka.

Maradona, ayaa saadaaliyay in Aljeeriya ay mucjiso ka dhigi doonto ciyaaraha Brazil ka furmaya, halka Rivaldo uu sheegayo in kooxda ay fursado ballaaran u haysato gaarida wareega labaad ee ciyaaraha koobka adduunka.

Faalo umuurtaasi ku saabsan waxaa noo diyaariyay weriyahayaga Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.