Chelsea guuldarro lama filaan ah

  • 29 Maarso 2014
Crystal Palace
Dabbaaldeg kooxda Crystal Palace

Waxaa jug weyni ku dhacday rajadii Chelsea ka qabtay inay qaaddo koobka horyaalka kubbadda cagta ee dalka INgiriiska kaddib markii ay kooxda Crystal Palace uga badisay 1-0 iyadoo weliba halka goolna uu iska dhaliyay dicaafa Chelsea ee John Terry oo madaxa ku dhaliyay kubbad ay isla boodeen weeraryahan ka tirsan Crystal palace.

Guuldarrada Chelsea soo gaartay waxay ahayd mid dadka ciyaaraha xiiseeya badankooda lama filaan ku noqotay iyo xataa kooxda iyo tababarahooda Jose Mourinho intaba.

Chelsea oo goolka iska dhalisay markii laga soo noqday qaybtii koowaad ee ciyaarta waxay ku dadaashay inay iska soo gudaan laakiin waxay la kulmeen difaac adag ee kooxda Crystal Palace oo haatan shan dhibcood ka fogaatay heerka hoos u dallacidda.

Waxay u muuqataa in Manchester City ay hoggaanka hayn doonto maalmahan. Waxaa iyadu Sabtidan si fiican u badisay Manchester United oo 4-1 ku dhufatay Aston Villa.

Sidoo kale, Southampton ayaa 4-0 ku burburisay Newcastle.

Natiijooyinka kale ee Sabtidan waxaa ka mid ah:

Stoke 1-0 Hull

Swansea 3-0 Norwich

West Brom 3-3 Cardif

Tartanka horyaalka ee sanadkan waxaa lagu tilmaamay kii ugu adkaa taariikhda oo ilaa kulammada ugu dambeeya aan la sii sheegi karin kooxda sanadkan koobka qaadi doonta.