Arsanal waxay ku sigatay in laga badiyo

  • 6 Oktoobar 2013
Kooxda Arsenal waxay la ciyaartay galabta West Brom.

Maanta waxaa dhacay ciyaaro ka tirsan tartanka horyaalka Ingiriiska. Waxayna kooxuhu isu-arkeen:

Tottenham 0-3 West Ham

West Brom 1-1 Arsenal

Norwich 1_3 Chelsea

Southampton 2_0 Swansea.

Arsenal galabta waa sigatay laakiin kaalinta 1aad ayay ku wada jiraan Liverpool hadda oo min 16 dhibcood ayay leeyihiin, waxaana ku xiga Chelsea iyo Southampton oo min14 dhibcood leh. Tottenham galabta waa ku dhacday oo guuldarro lama filaan ah ayay la kulantay waxayna min 14 dhibcood wada leeyihiin Manchester City.