FIFA oo ka shireysa koobka 2022 ee Qadar

  • 3 Oktoobar 2013
Qadar waxaa loo doortay inay martigeliso cayaaraha adduunka ee 2022

Ilo ku dhaw dhaw hey'adda kubadda cagta ee addunka ee Fifa ayaa BBC u sheegay in guddigooda fulinta ay suurtagal tahay inay soo jeediyaan in Qatar cayaaraha koobka kubadda cagta ee adduunka ee 2022 laga wareejiyo xiliga kuleylaha oo la qabto xilliga qaboobaha.

Waxaa bilaabanaya maanta kulan guddigaasi fifa ay ku yeelanayaan magaalada Zurich.

Madaxweynaha Fifa President Sepp Blatter ayaa la filayaa inuu shir jaraaid bari oo jimca ah qabto uu ku caddeeyo in arrintaasi ay walaac ka qabaan.