Brazil oo qaadday koobka qaaradaha

  • 1 Luulyo 2013
Brazil
Brazil ayaa qaadday koobka qaaradaha

Brazil ayaa waxa ay ku soo bandhigtay garoonka Maracana cayaar la yaab leh oo jahawareer ku ridday Spain, iyadoo markeedii saddexaad oo isku xigta ku guulaysatay Koobka Qaaradaha ee Confederations Cup-ka.

Brazil ayaa waxaa dhaqaajinayay jaceylka ay kubbada u qabaan iyo taageerayaasha madaalayaasha ahaa ee ku kabayay qeylada, iyadoo ay kooxda rajo weyn gelisay guusha ay ka gaareen Spain oo dhinacooda dhulka la dhigi waayay 29-kii ciyaar ee caalamiga ahayad ee ugu dambaysay ee ay cayaareen.

Fred ayaa waxa uu dhaliyay laba gool, balse Neymar ayaa markale soo bandhigay awooddiisa, isagoo lugta bidixda ku dhaliyay goolkii labaad ee cayaarta.

Spain ayey xaaladu ku sii xumaatay markii uu Sergio Ramos khasaariyay gool ku laad qeybtii labaad ee cayaarta, ka hor inta aanan cayaarta laga saarin oo aan kaar cas loo taagin Gerard Pique, kaddib markii uu dhulka dhigay Neymar xilli ay cayaarta ka harsan tahay 22 daqiiqo.

Brazil
Taageerayaasha Brazil

Markii lagu dhawaaqay firinbiga dhamaadka cayaarta ayaa taageerayaasha Brazil waxay ku qeylinayeen "horyaalkii ayaa soo laabtay".

Iyadoo ay gadaal adkeeyeen David Luiz iyo Thiago Silva, iyo isku xirka khadka dhexe ee Paulinho iyo weerarka tayeeysan ee Neymar, ayaa kooxda Selecao waxa ay ka dhigan tahay mid aan la dhayalsan karin tartanka sanada soo socota.

Waddooyinka ka ag dhaw garoonka Maracana ayaa waxaa ka muuqanayay calamo kala duwan saacado ka hor cayaarta.

Halka dad mudaharaadayay ay boliiska isku haysteen meel qiyaastii 1 mile u jirta garoonka, kumanaan reer Brazil ah ayaa ku cayaarayay waddooyinka.

Saacad ka hor ayaa taageerayaasha Brazil waxay qaadayeen heesta calanka.

Brazil ayaanan cayaar ka dhaceysa gurigooda oo tartan caalami ah looga guulaysan tan iyo 1975, markii ugu dambeysay oo Spain ay Brazil ka badisana waxa ay ahayd 1934.

Fred
Fluminense Fred ayaa laba gool u dhaliyay Brazil

Fluminense Fred ayaa goolka hore dhaliyay daqiiqadii 2-aad kaddib markii uu ku guuldaraystay difaaca Spain ee Alvaro Arbeloa in uu kubbada ka soo bixiyo gooshiisa.

David Luiz ayaa si cajaa'ib badan kubbad uga soo bixiyay xariiqa goolkiisa, isagoo ka diiday Pedro in uu goolka dhaliyo, kaddibna Neymar ayaa dhamaadka qeybta hore goolka labaad lugta bidixe ku dhaliyay.

Fred ayaa u hibeeyay goolkiisii labaad taageerayaasha dalkiisa kaddib markii la isugu soo laabtay qeybta labaad ee cayaarta, kaddibna waxaa cayaarta laga saaray Gerard Pique oo daqiiqadii 68-aad loo taagay karaka cas, halkaasoo Spain banaanka ugu soo dhacday habeenkii murugada.