BBC navigation

Baaritaanka ciiidanka booliiska Yorkshire

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 September, 2012, 19:05 GMT 22:05 SGA

Waxaa ku dhintay garoonka 96 taageerayaal Liverpool

Ciidamada booliiska gobolka Yorkshire ee waddankan Britain ayaa dib u furaya baaritaanka qaabkii ay u dhaqmeen booliisku masiibaddii loogu magacdaray Hillsborough ee dhacday sanadkii 1989, oo ay ku dhinteen taageerayaasha kubadda cagta.

Ciidanka booliiska ayaa waxa ay ka fakirayaan inay dib ugu celiyaan arrintan Guddiga Madaxa Banaan ee looga cawdo booliiska IPCC.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbixin cusub oo soo baxday ay ku heshay in saraakiisha booliiska ay beddeleen warbixintoodi oo ay isku dayeen inay eedda dhibaatada saaraan taageerayaashii kooxda kubadda cagta Liverpool, halkaasi oo ay ku dhinteen 96 qof.

Baaritaan ayaa sidoo kale ku bilwoday madaxii booliiska galbeedka Yorkshire ee xilligaasi masuulka ka ahaa shaqada.

Dhibaatada ayaa waxa sababay markii ay dadku ku bateen bilwoga cayaar semi-final ahayd oo koobka FA 15 April 1989.

Wararka la xiriira

Ciyaaraha

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.