Cayaaraha English Premier League

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Agoosto, 2012, 16:11 GMT 19:11 SGA

Robin Van Persie oo shaarkii uun bedeshay

Shaadhka uun baa is beddelaye Robin van Persie waxa uu ahaa ninkii awelba ku xaragoon jirey kubadda cagta markii uu gool la yaable uu u dhaliyey Manchester United iyaga oo ku badiyey 3-2 markii garoonka kooxda ee Old Traffod ay kula ciyaareen Fulham sabtidii.

Eden Hazard oo Chesea ay soo iibsatey dhawaan ayaa rigoori u dhaliyey iyaga oo kaga badiyey 2-0 kooxda Newcastle.

Everton waxa ku tumeen 3-1 kooxda Aston Villa garoonka AV oo calankoodu jiifey dhawaanahan markii toddobaadkii horena Everton ay Man U kaga badisay 1-0.

Liverpool waxa ay barbaro la noqotey Man City 2-2 inkasta oo cayaarta badideeda ay gacanta sare lahaayeen.

Cayaarihii kale ee Premier-ka England ka dhacey toddobaadkan waxa ay ku dhammaadeen sidan:

Norwich 1 QPR 1

Southampton 0 Wigan 2

Sunderland iyo Reading dib ayaa loo dhigey

Swansea 3 West Ham 0

Tottenhan 1 W B A 1

Liverpool 2 Man City 2

Stoke City 0 Arsenal 0

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.