Cayaaryahan Eduardo oo Arsenal dhaliilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 22 Agoosto, 2012, 14:08 GMT 17:08 SGA

Cayaaryahan Eduardo oo Khalad wayn ku tilmaamay iibinta Van Persie iyo Song.

Cayaaryahan Eduardo oo weerarka uga cayaari jiray kooxda Arsenal wuxuu leeyahay waa Khalad aad u wayn iibinta Robin Van Persie iyo Alex Song, balse wali kooxdu way leedahay tayadii ay ugu yaraan koob ugu tartami lahayd xilligan.

Van Persia iyo Song waa labadii cayaaryahan ee ugu dambeeyay magac leh oo ka taga kooxda oo koobkii ugu dambeeyay ee ay qaaddo uu ahaa sanadkii 2005 oo ay ku guulaysatay koobka FA.

Van Persie wuxuu u tagay Manchester United, halka Song uu ka aaday kooxda Barcelona, waxaana ay tani ku soo beegmaysaa sanad kadib markii Arsenal ay ka tageen Cesc Fabregas oo Barcelona u baqoolay iyo Samir Nasri oo isaguna Manchester City aaday.

Eduardo wuxuu leeyahay cayaartoydu iyagoo aan magac wayn lahayn bay yimaadaan Arsenal oo magac u yeeshay.

"Sanad walba sidan ayay yeelaan, cayaartoy ayaa ka tagta,kuwana way soo iibsadaan, oo ay meel sare gaarsiiyaan, sanad kadibna way iibiyaan." ayuu yiri Eduardo.

Kooxda Arsenal kaalinta sadexaad ayay ku dhamaystay tartanka Premier League sanadkii hore, waxaana ay 19 dhibcood ka hoosaysay kooxda koobka qaaday ee Manchester City iyo United oo labaad noqotay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.