Geerida Saamiya Yuusuf

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Agoosto, 2012, 19:41 GMT 22:41 SGA

Media Player

Saamiya Yuusuf Cumar oo Soomaaliya u matashay tartankii Beijing Olympics, ayaa dhowaan ku geeriyootay badda iyadoo doonaysa in ay doon ku gasho Talyaaniga.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Saamiya Yuusuf Cumar

Saamiya Yuusuf Cumar, badda Libya iyo Talyaaniga u dhaxaysa ayay ku dhimatay bishii April.

Dhowaan magaalada London waxaa lagu soo gabagabeeyay cayaaraha tartanka London 2012 ee Olympic-ada adduunka, iyadoo Soomaaliya ay uga qaybgaleen Zamzam Maxamed Faarax iyo Maxamed Xassan oo ka kala qaybgalay orodka 200m iyo kan 1500 mitir.

Hase yeeshee, waxaa dhowaan la ogaaday in Samia Yuusuf Cumar oo Soomaaliya u matashay cayaarihii Olympic-ada ee ka dhacay Beijing sanadkii 2008 ay ku dhimatay badda bishii April ee la soo dhaafay iyadoo isku dayaysa in ay dhinaca Libya kaga soo talaabto Talyaaniga.

Cabdiraxmaan Koronto ayaa Hodan Yuusuf Cumar oo la dhalatay Samia kula xiriiray telefoonka iyadoo joogta xero qaxooti oo ku taalla dalka Finland.

Wuxuu marka hore waydiiyay qof noocee ah ayay Saamiya ahayd?

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.