Arsenal V Norwich

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Mey, 2012, 12:06 GMT 15:06 SGA

Kooxda Norwich ayaa gurigeeda ku celisay Arsenal, cayaar ay labada koox isku dar iska dhaliyeen ilaa lix gool.

Arsenal ayaa la cayaartay Norwich.

Arsenal in ay badiso ayay ahayd cayaarta si ay u sii xagsato booska sadexaad, iyadoo hal cayaar oo kale u harsan tahay.

Arsenal ayaa waxay hadda leedahay 67 dhibcood oo Tottenham ayay laba dhibic kaliya ka horaysaa iyo Newcastle oo iyaduna 65 leh.

Arsenal maanta ayay sagootiyeen taageerayaashooda garoonka Emirates, waayo markan ayaa ugu dambaysa ay ku cayaaraan garoonka Emirates xilli cayaareedkan.

Newcastle waxaa Axadda beri ah u soo martinaya kooxda Man City oo hadda hogaanka haysa balse ay qasab tahay in ay badiso hadii ay doonayso in ay koobka qaaddo.

Tottenham waxaa u harsan Aston Villa oo ay u tagayso, iyo Fulham oo Tottenham u soo martin doonta.

Arsenal waxaa u harsan oo kaliya West Brom in ay la cayaarto.

Tottenham iyo Newcastle hadii ay badiyaan cayaarahooda soo socda, kaalinta sadexaad iyo afaraad ayay kala galayaan si toos, oo Arsenal way waayaysaa booska sadexaad iyo kan afaraad labadaba.

Arsenal laba dhibcood ayay hadda ka horeysaa kooxda Tottenham iyo Newcastle oo ay Arsenal hal cayaar dheer tahay. Arsenal 67 ayay leedahay iyadoo Tottenham iyo Newcastle ay leeyihiin 65.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.