BBC navigation

Cayaaraha Maanta Premier League iyo Championship

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Abriil, 2012, 13:42 GMT 16:42 SGA

Maanta cayaaro aad u xiiso badan ayaa dhacaya tartanka Premier League iyo sidoo kale tartanka Championship-ka.

Waa laba tartan oo kooxaha ka soo dhaca iyo kuwo ka soo dallaca midba midka kale ay u wareegaan.

Premiership oo ah labada tartan midka sareeya, ayaa kooxaha ka hara sanad walba ay u hoos ugu laabtaan Champioship-ka, waana sadexda koox ee tartanka Premier League dhibco ahaan ugu hooseeya kuwa ka soo dhacay.

Dhinaca kale Championship, waxaa ka soo gudba labada koox ee ugu dhibco saraysa iyo kooxda sadexaad gashay dhibco ahaan oo tartan is reereeb ah gasha.

Reading iyo Southampton ayaa ugu rajo fiican ilaa hadda, iyadoo Reading la hubo in ay ka soo gudubtay Championship-ka, halka Southampton iyo West Ham iyo booska sadexaad isku hayaan.

Southampton waxay maanta la cayaartaysay Covertry oo ay ka badisay, waliba uga badisay 4-0.

Southampton 7 sano ayaa ugu dambaysay tartanka Premier League hadda ayay u soo gudubtay mudadaas kadib tartanka Premier League.

West Ham lafteedu waxay la cayaartay Hull oo ay kaga badisay 2-1.

Hase yeeshee, labada kooxba waxa u dhiman min hal cayaar.

Dhinaca tartanka Premier League laftiisa kooxaha ugu sareeya iyo kuwa ugu hooseeya labaduba xiiso gaar ah ayuu leeyahay tartanka u dhaxeeya.

Man United ayaa sadex dhibcood oo kaliya ka horaysa Manchester City oo ay wada cayaarayaan maalinta Isniinta ah 10-ka fiidnimo saacadda Africada bari.

Waa cayaar u dhiganta final, waayo Manchester United badiskeedu wuxuu u dhigmaa iyadoo koobka qaaday, waayo 86 ayay yeelanaysaa oo lix dhibcood ay ka sare maraysaa iyadoo sadex cayaaroodna u dhiman yihiin.

Manchester City, ayaase badiskeedu wuxuu noqonayaa in dhibco ahaan labada Manchester ay sinmaan, balse Manchester City ay goolal dheer Man United, sidaas ayayna hogaanka ku qaban kartaa, iyadoo iyaduna sadex cayaar u harsan tahay.

Kaalinta ayaa ayaa iyaduna uu tartan ka jiraa u dhaxeeya Arsenal oo 65 dhibcood leh, 62 iyo Newcastle oo leh 62 dhibcood iyo waliba kooxda Tottenham oo 59 dhibcood leh.

Cayaaraha maanta dhacaya:

Everton 4-0 Fulham
Stoke 1-1 Arsenal
Sunderland 2-2 Bolton
Swansea 4-4 Wolves
West Brom 0-0 Aston Villa
Wigan 4-0 Newcastle
Norwich V Liverpool Waxay bilaabaynaa 7:30 fiidnimo saacada africada bari.

Kooxda Tottenham iyo Chelsea maalinta Axadda ayay la kala cayaarayaan Chelsea oo QPR la kulmaysa iyo Tottenham oo ay is arkayaan kooxda Blackburn.

Kooxda Wolves, oo ah kooxda ugu dhibco hoosaysa way ka dhacday tartanka, waxaase la isku hayaa kooxdee ku soo biiri doonta.

Arsenal wali booska sadexaad ayay leedahay 66 dhibcood, Newcastle oo ku soo xigta 4-0 ayaa Wigan ay uga badisay oo hadii ay iyadu badin lahayd waxay tagi lahayd 65, iyadoo waliba cayaar u harsan inta jeer ee Arsenal dheeshay oo 36 ah.

Kooxaha u sharaxan in ay ku biiraan waxaa ka mid ah Bolton, Blackburn iyo waliba kooxaha Wigan iyo QPR oo aan meel dheer u jirin qadka lagu haro.

BBC Somali si toos ah ugala soco cayaarta dhexmaraysa kooxaha Stoke iyo Arsenal.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.