Muamba ayaa loo qaaday isbitaalka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Maarso, 2012, 19:06 GMT 22:06 SGA


Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Bolton, Fabrice Muamba ayaa isagoo cayaaraya ku dhacay garoonka kooxda Tottenham ee White Hart Line.

Waxay ahayd cayaar ku tirsan tartanka FA cup oo labada koox ay isku arkayeen.

Dhaqaatiirta ayaa muddo toban daqiiqo ah isku dayayay in ay neef-siiyaan cayaaryahanka 23 jirka ahaa ka hor inta aan loola cararin isbitaalka.

Garsoore Howar Webb ayaa cayaarta joojiyay.

Cayaartu waxay maraysay 1-1 markii uu dhacay cayaaryahan Muamba.

Muamba ayaa lagu qaaday sariirta dhaawaca ama Bareelle.

ESPN ayaa sheegtay in uusan neefsanaynin markii la qaadayay.

Kooxda Bolton waxay sheegtay in cayaaryahankooda loo qaaday isbitaalka markii uu ku dhacay garoonka White Hart Lane waqtixaadirkana aan la haynin warar dheeraad ah.

Fabrice Muamba wuxuu horay ugu soo cayaaraya kooxaha Birmingham iyo Arsenal oo labadaba uu qadka dhexe ugu cayaaray.

Muamba sanadkii 2008 ayuu saxiixay qandaraas afar sano ah oo uu kula joogayo kooxda Bolton ilaa sanadkan 2014. Waxaana laga soo qaatay kooxda Bolton oo ilaa in ka badan 5 million oo gini ay ku kacday.

Muamba wuxuu ka mid ahaa cayaartoyda xulka qaranka Britain ee da'doodu ka hoosayso 21 jirka.

Muamba wuxuu ku dhashay magaalada Kinshasa ee dalka Congo sanadkii 1988-dii.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.