Fulham V Swansea

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Maarso, 2012, 13:07 GMT 16:07 SGA
Fulham

Fulham

Kooxda kubadda cagta Fulham ayaa maanta garoonkeeda Craven Cottage ku qaabilaysa kooxda Swansea.

Labada kooxba waxay ku jiraan meel dhexe dhinaca tirsiga dhibcaha.

Fulham kala horaynta dhibcaha bartanka ayay u taagan tahay iyadoo booska tobanaad ku jirta.

Swansea-na kama dhibco liidato oo waxay iyaduna leedaha 36 dhibcood oo ay kula siman tahay kooxda Fulham.

Balse Fulham goolasha ay dhalisay iyo kuwa laga dhaliyay marka la kala jaro waxba uma soo harayaan. Swansea waxaa lagu leeyahay sadex gool.

Bishii December, 2011 oo labada koox is arkeen waxaa laba iyo eber ku adkaaday kooxda Swansea.

Fulham, waxaa laga sugayaa in ay ka aargudato kooxda Swansea maanta.

Swansea waxay ka soo badisay Man City iyo Wigan, taasoo rajadooda kor u soo qaaday kadib markii ay halis u galeen in ay dib ugu laabtaan Division ama heerka ay sanadkii hore ka soo gudbeen markii dhowr cayaarood oo is xiga laga adkaaday.

Inta cayaartu socoto nagula soo xiriir www.facebook.com/bbcsomali ama @twitter.bbcsomali haddii kale text message ku soo dir +44 77 86 20 50 85.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.