BBC navigation

Horyaalka Ingiriiska

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 Maarso, 2012, 13:11 GMT 16:11 SGA

Faallo toos ah
Wararkii ugu danbeeyay

Dib u cusbooneysii

2235 Waad ku mahadsan tahay akhriskaaga. Intaa caawa ha noo joogto.

2235 Chelsea waxay noqotay horyaalka horyaallada Yurub.

2235 halkan ka akhriso faallada cayaarta oo kooban http://www.bbc.co.uk/somali/

2229 Chelsea ayaa qaadday koobka.

2229 Drogba ayaa gamaya darbadii ugu dambeysay.

2228 Bayern birta ayay ku dhufatay oo ma dhalin.

2228 Bayer 3 - 3 Chelsea. wey socotaa

2227 Chelsea wey dhalisay.

2227 Waa laga qabtay Bayern.

2226 waa rigoorayaashii.

2226 Chelsea wey dhalisay. Bayern 3 - 2 Chelsea. wey socotaa.

2225 Goolhayihii Bayern ayaa ka dhaliyay Chelsea rigoore.

2224 Chelsea rigooradii koowaad ayay dhalisay. Beyrn2 - 1 Chelsea

2224 Wey dhalisay kii labaad.

2223 Chelsea waa laga qabtay rigooradii koowaad. hal iyo eber waxaa ku horreysa Bayern

2223 Bayern ayaa billowday rigoorada koowaa. Weyna dhalisay.

2216 cayaartii wey dhammaatay. waxay u gudbeysaa rigoorayaal.

2215 Fernando Torres ayaa yellow la siiyay.

2212 Afar daqiiqo ayaa ka harsan cayaarta.

2211 Waa laga difaacay.

2211 kama foga diilinta 18.

2211 waxaa laad xor ah lagu gamayaa goolka Chelsea.

2210 Mikel oo Chelsea ah ayaa khalad laga dhigay. 

2208 Chelsea wey iska bixisay.

2207 Waa koone ay soo laadaneyso Bayern. waa halis.

2207 Gomez oo ah Bayern ayaa aad iyo aad u sigay goolka Chelsea, laakiin waa laga difaacay.

2206 Chelsea ayaa geysay goolka Bayern laakiin wey iska soo saartay.

2205 Bayern weerar ay soo dhistay waa laga qabtay darba kulul.

2204 Drogba oo bannaanka lagu daaweynayay ayaa ku soo laabtay garoonka.

2202 Bayern ayaa weerar aan kala go' lahayn soo qaadday. Aad ayayna u sigtay Chelsea goolkeeda. hase yeeshee wey xaqiijin weyday.

2200 Waana qeybtii labaad. uguna dambeysay.

2200 Weyb billaabatay.

2200 Chelsea ayaa tuuraneysa.

2159 haddii 15 daqiiqo lagu kala badin waayo, cayaartu waxay tageysaa rigoorayaal.

2157 15 daqiiqo ayaa hadda dhammaatay. waxaa loo gudbayaa qeybta labaad.

2156 Drogba ayaa laga dhigay off side khatar u muuqday. 

2155 Laad iyo qurux badan ayaa difaaca Bayern uu madaxa isaga soo saaray.

2154 Chelsea ayaa leh laad xor ah, laakiin aan goolka u dhoweyn.

2153 cayaartooydu uma eka niman 90 daiiqo cayaaray, marka loo fiiriyo firfircoonida iyo dadaalka aan kala go'a lahayn.

2153 Cayaartu waxay maryesaa weerarro koox waliba ay dooneyso in koobka ka hor muuqda ay ku qaadato. 

2148 Koone kale ayaa loo dhigay Bayern.

2148 Wakhtigii lagu daray ayaa lagu jiraa.

2147 xag difaac oo xataa rogoore ay qabaty. Iyo in ay goolka isaga soo magtay muddo aad u kooban.

2147 Chelsea waxay muujisay dadaal aad u la yaab badan

2145 Waa laga qabtay rigooradii.

2145 Drogba ayaa laga dhigay rigoore.

2144 Chelsea waxaa laga dhigay rigoore.

2136 hadda ayaa wakhti hor leh lagu darayaa. Si loogu kala adkaado.

2136 90 kii daqiiqo wey ee cayaartu wey dhammaatay.

2136 wey dhalin waayeen. 

2134 Chelsea ayaa laad xor ah loo dhigay meel diilinta 18 aad ugu dhow.

2134 kala go' malaha weerarka chelsea aya hadda waddo.

2133 Chelsea ayaa weerar kulul qaadday.

2132 Chelsea way iska difaacday.

2132 Bayern ayaa corno soo gamaneysa.

2130 Chelsea waxay soo magtay goolka daqiiqadii 88

2130 Bayern daqiiqadii 83 ayay dhalisay goolka.

2130 cayaartu hadda ayay sii kululaatay.

2130 Bayern 1 - 1 Chelsea

2130 Drogba ayaa dhaliyay.

2129 Chelsea gool ayay dhalisay.

2129 Waa halis.

2129 Chelsea koone ayay soo tuuraneysaa.

2128 Thomas Muller ayaa goolka dhaliyay

2126 David Luiz oo Chelsea ah ayaa la siiyay kaarka jaallaha.

21:25 Chelsea wey ku adkaan doontaa in ay gool iyaduna dhaliso daqiiqadaha yar ee haray.

2125 Madaxa ayaa gool qurux badan ay ku dhalisay Bayern.

2124 Bayern ayaa gool dhalisay.

2123 Chelsea ayaa aad loo sigay.

2122 Ashley cole ayaa la siiyay yellow. Digniinta koowaad.

2122 Chelsea ayaa laga dhicisiyay weerar ay soo qaadday.

2122 Bayern ayaa gacanta ku soo tuuraneysa meel bartamaha garoonka inyar goolkooda ka xigta.

2121 Chelsea ayaa gacanta ku soo tuuratay, laakiin Bayern wey iska bixisay.

2120 Koobka waxaa waa in lagu guuleystaa daqiiqadaha soo socda.

2119 weli waa 0 - 0

2119 cayaarta waxaa ka dhimman 13 daqiiqo

2118 weerar bayern wuxuu k imaanayaa bidix, midig iyo dhexdaba.

2117 Koonayaal badan ayay heshay Bayern. laakiin marna kuma guuleysan in ay dhaliso.

2116 Bayern goolka afkiisa ayay keentay laakiin ma saxiixin.

2116 Chelsea ayaa la saaran yahay.

2114 Florent Malouda oo u dhashay faransiiska ayaa u soo galay Chelsea.

2114 Drogba ayaa khatar weyn geliyay Bayern.

2113 markiiba Bayern ayaa weerar qaadday, iyadana waxaa ka qabtay gool hayaha Chelsea.

2113 Chelsea laba weerar oo adag ayaa laga difaacay.

2112 Drogba waxaad mooddaa in la dabray. Markii uu banooniga u dhowaadaba waxaa ku soo baxaya mid, laba ama saddexdifaaca bayern ah.

111 darba khatar ah oo goolhayaha chelsea oo isu tuuray in uu qabto, ayaa intii aanay gaarin waxaa ka soo celiyay difaaca Chelsea.

2110 waa la mari la' yahay.

2110 Ashley cole oo ah difaaca Chelsea ayaa rafanaya.

2110 Weerar aan kala go'lahayn ayaa lagu hayaa. Iyadugna difaac adag ayay ku jiraan. 

2109 Goolka chelsea ayay kubbaddu ka bixi la'dahay.

2108 Cheklsea ayay ku socotaa.

2107 Dhexda ayay dhaafi la'dahay kubbaddu.

2106 waxaa ku hardamaya Chelsea oo ah koox Ingiriis ah iyo Bayern oo ah Jarmal, oo iyada garoonkeeda lagu cayaarayo.

2106 Waa cayaarta kama dambeysta ah ee horyaalka Horyaallada Yurub.

2104 Chelsea darbo khatar ah ayay iska daafcday.

2103 taagerayaasha Chelsea oo midabkeeda Blue-ga ah ku labbisan ayaa koox koox u yaacayay galabta oo dhanna, haddana waxay ku xaroodeen goobaha kubadda cagta lagu daawado.

2103 Cayaartan oo ka dhacaysa Jamralka, caawa aad ayaa looga dareemay magaaladan London lafteeda.

2103 sawaxan ayaa ka baxaya taageerayaasha oo qaarkood aanay joojineyn heesaha ay ku taageerayaan kooxdooda.

2103 garoonka si weyn ayaa loo cammiray.

2102 Kuma guuleysan in ay dhaliso.

2102 koone ayaa loo dhigay Bayern.

2101 Cabdirisaaq catoosh wuxuu ku tilmaamay in Chelsea ay isku daafacyso lug, madax iyo xabad intaba.

2100 darbo khatar ayay Chelsea iska daafacday.

2059 Chelsea waxay kubbadda keentay irirdda goolka Bayern laakiin kuma guuleysan in ay shabqa ku taabato.

2058 Chelsea ayaa loo dhigay darbo xor ah. laakiin waa bartamaha garoonka.

2057 Bayern waxay iska khasaariyeen darbo xor iyo weerar daba joogay.

2057  Chelsea waxaa loo dhigay darbo xor ah.

2055 Weli waa 0 - 0

2055 Waa off side.

2054 Gool ayaa laga diiday Bayern.

2051 Chelsea ayaa sigtay goolka Bayern. Darba dheer oo meel fog laga soo laaday ayaa goolka dhinac martay.

2051 kubbad ay soo dhistay Bayern oo weerar ah waxaa dhicisiyay goolhayaha Chelsea. 

2050 Kubbad khatar ah ayay chelsea laba jeer ka difaacday goolkeeda. 

2045 Bayern Munich ayaa tuuratay.

2045 Labada kooxood mid waliba waxay isku deyi doontaa in ay qeybtan gool ama ka badan ay ka dhaliso kooxda kale.

2044 Garoonka ayaa cayaartooydii iyo garsoorayaashii ay ku soo noqonayaan.

20:44 Cayaartu hadda ayay dib u billaaban rabtaa.

2031 2031 waxay mareysaa hadda eber iyo eber.

2031 15 daqiiqo oo nasiino ah ayaa la galay.

2031 cayaarta qeybtii hore ayaa hadda dhammaatay. 

2030 Chelsea waxay ilaa iyo hdda ku badbaadday difaac culus iyo gool haye khatar ah.

2029 Dhinaca weerarkase waxaa aad u culus Bayern. 

2029 baallaha waxaad mooddaa in la isku haysto, laakiin ay Bayern ku horreyso.

2027 Dhexda waxaad mooddaa in Chelsea cayaarteedu ay ku wanaagsan tahay.

2027 Comez ayaa si khatar ah i sigay goolka Chelsea.

20:26 Chelsea furfurnaan ayay muujisay.

20:26 cayaartu waa mid aad u xiiso badan.

20:25 Chelsea ayaa soo tuuraneysa.

20:24 Corner ay Bayern heshay ayay iska lumisay fursaddii.

20:24 Goolka Chelsea ayaa khataro badani ku socdaa.

20:22 Chelsea hadda waxaad moodda in dhiig cusub uu soo galay oo ay billowday firfircooni.

20:21 Kalu oo Chelsea ayaa isaguna soo rogaal celiyay. Laakiin kuma guuleysan in uu xarriiqo.

20:21 Drogba oo isaguna weerar ku jawaabay ayaa laba difaaca Bayern ah ay ka boobtay kubbaddii.

2-:20 Weerar aad u khatar ah oo baasha bidix laga soo ganay ayaa isla markiiba darba kulul loogu baddalay Chelsea laakiin banooniguu wuu dhinac maray goolka.

20:19 Bayern darba khatar ah oo ay soo tuurtay waxay dhinac martay goolka Chelsea. Taraarax ayay ahayd.

20:19 Laakiin cayaaryahankuu Chelsea ayaa darbada cirka marsiiyay.

20:19 Bayern iyaduna derbi dad ka sameysan ayay dhisteen.

20:18 Laad toos ah ayaa loo dhigay diilinta 18 aad afkeeda hore.

20:17 weerar ay Chelsea soo qaadday ayaa gef la jillaafay.

20:16 Gool hayaha Chelsea ayaa yiri tani ima dhaafto, ka dib markii darba kulul lagu soo gamay.

20:15 Chelsea derbi ay dhiKhalad ayaa laga galay Bayern.

20:14 Derbi ay Chelsea dhistay stay ayaa kubadda markiiba soo celiyay.

20:13 Waa meel halis ah.

20:12 Laad toos ah ayaa Bayern loo dhigay.

20:11 waxay ku wareegeysaa goolka Chelsea.

20:10 Drogba ayaa dhulka la dhigay. waxaana loo dhigay laad toos ah.

20:09 Weriyaha cayaaraha Axmed cabdi Nur wuxuu ku tilmaamay in Chelsea la shiiqiyay.

20:09 Robben oo u dhashay Netherlands una cayaara Munich waxaa lagu tilmaamay cayaaryahan ma daale ah.

20:06  Simon Kalou oo Chelsea ah off side ayaa looga guuray.

20:06 Gool hayaha ayaa badbaadiyay.

20:06 Laba jeer ayaa la sigay Chelsea.

20:06 Goolka Chelsea ayay ku warwareegeysaa.

20:05 cabdirisaaq xaaji Maxamed Sirad oo cayaaraha ku xeel dheer wuxuu ku tilmaamay in kooxda celsea ay ka muuqato kalsooni darro.

20:04 Chelsea difaaceedu aad ayuu u adag yahay.

20:03 Robben ayaa hadda sigay in uu gool ka dhaliyo Chelsea.

20:02 Rajada kooxka Chelsea ragga ay dusha ka saaran tahay ayuu ka mid yahay.

20:01 Drogba ayaa ka mid ah cayaarahannada ugu kulkul ee Chelsea u safan.

19:59 Waxaa hadda laadanaya goolhayaha Chelsea

19:50 Markii la go'aansanayay in cayaartav kama dambeysta ahi y ka dhacdo garoonkaas, lama ogeyn kooxaha u soo bixi doona cayaarta kamaba dambeysta.

19:57 waa markii ugu horreysay ee cayaarta kama dambeysta horyaalka horyaallada yurub lagu cayaaro garoon ay leedahay labada kooxood ee finalka yimid midkood.

19;56 Waxaa lagu cayaarayaa garoonka Bayer.

1955 Ilaa hadda wax gool ahi ma dhalan.

19:53 Waxay dhex mareysaa chelsea oo ah koox dalkan britain ka dhisan iyo Bayern Munich oo ah Jarmal.

19:53 Si kulul ayay bilbaabatay cayaarta horyaalka horyaallada Yurub. 

Halkan goordhow kala soco cayaarta final-ka Europe Champions League ee dhexmaraysa Bayern Munich iyo Chelsea.

Wararka la xiriira

Ciyaaraha

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.