-
Masri wuxuu xaqiijiyay in uu yahay nin maaradoon markii uu ku guulaystay Marathon-kii ugu horeeyay ee oo uu dhigay waqti ah 2:42:47. Masri, oo ah orodyahanka kaliya ee matalaya marinka Gaza, rikoorkiisa ugu wanaagsan waa 14 daqiiqo 21 ilbiriqsi ee 5,000m. Waxaa ka dhiman 13 daqiiqo 27 ibiriqsi waqti uu ugu soo bixi karo cayaaraha Olympic-ga sanadka soo socda. And Masri waa orodyahanka hadda ugu dheereeya Falastiin isagoo 31 jir ah.
-
Laba jeer horyaalka adduunka, wuu u soo baxay Olympic, waxaa la filayaa in bilad dahab ah uu ka qaato tartanka Triathlon at London 2012. Alistair waxaa loo caleemo saaray horyaalka adduunka September magaalada Beijing, taasoo uu raaciyay koob uu horay u qaaday 2009. Waxaa uu sadex koob ka qaatay tartanka Madrid ee Triathlon.
-
Ku tartamayaasha doomaha dalka Iraq Iraqi, Haider Rashid & Hamza Hussein waxay isku howleen sidii ay ugu soo bixi lahaayeen tartanka Olympic-ada 2012. Rashid wuxuu noqday qofka 27-aad, tartan ay ka qaybgaleen ilaa 34 tartame kulanka raga kalida ah. Dhinaca kale, Hamza Hussein oo ay doonta isla wadaan waxaa sanadkii 2011 u dhashay.
-
Waxay ka badisay Gabadha Poland ee Aleksandra Socha 15:10 si ay u qaadato koobka Seef ku tartanka (Shaablaatada) oo ka dhacay Sheffield.
Tartanka ee adduunka ee ka dhacay Italy waxay ku hartay semi final-ka balse waxay heshay bilad qalin ah, kaalinta sadexaad, waxayna gacan ka siisay Ukrain in bilad qalin ah uu helo.
Waxay kaloo heshay laba biladood oo dahab tartamo caalami ah ay ka qaadatay kadib guulo ay ka soo hoysay London iyo Istanbul.
-
Julien wuxuu guushiisii ugu horaysay ka helay koobka Catalan Catalan. Laba jeer ayay labaad ka gashay tartanka baaskiilada buuraha ee cayaaraha adduunka oo ka dhacayay Koonfur Africa iyo Kaymaha Forest ee UK ka hor intii Julien uusan ka sii wanaagsanaanin tartankii adduunka ee Berlin, iyadoo uu halkaas guul ka soo hoyay markii shanaad oo xiriir ah. Wuxuu hantay oo kale horyaalka ‘cross country’ ee Faransiiska markii sagaalaad, wuxuu hantay tartankii tijaabada ee London 2012 ee ka dhacay beerta Hadleigh ee Essex.
-
Way u soo baxday tartanka London 2012 kadib markii bishii October ay Kelmendi hanatay ilaa sadex biladood oo dahab ah. Waxay guulo ka keentay koobka adduunka ee ka dhacay Talyaaniga iyo kii Belarus kadibna, waxaa cayaarta final ee Abu Dhbi ‘Grand Prix’ kaga badisay Hongmei He ee dalka Shiinaha. Guulaheeda ayaa keenay in qofka sadexaad ay ka noqoto dhinaca darajada tartanka Judo ee adduunka qaybta 52 kg. 2012 Kelmendi waxay rajaynaysaa inay noqoto cayaaryahanaddii ugu horaysay ee Kosovo wakiil uga noqota cayaaraha Olympic-ga.
-
Gabadha dhinaca feerka ee dalka India dhowaan ayaa si naxdin leh looga badiyay tartanka tijaabada ee loogu talogalay 2012. Waxaa diiradda la saari doonaa dhinaca cayaaraha Olympic-ga marka la eego in cayaaryahanadu ay xiran doonaan dabagaab mise goonno inta feerku socdo markii ugu horaysay ee cayaaraha Olypic-ga. Mary Kom waxay tiri: "cayaaryahanada tennis-ka way xirtaan goonooyin, cayaartoyda badminton way xirtaan, maxaysan u xiran Karin feeryahanadu goonno?"
-
Kadib markii ay jilibka ka dhaawacantay tartanka Skiing shil ah sanadkii hore, ayaa Shawn Johnson ay dib ugu soo dagaalantay ka mid noqoshada kooxda qalaama rogadka ee Maraykanka sanadkii 2011 balse kama mid noqon kooxdii loo xushay tartanka adduunka ee qalaama-rogadka ee ka dhaayay Tokyo. Balse waxay ka qaybgashay tarankta qaaradda America oo ka dhacayay Mexico. Waxay soo hoysay bilad dahab ah, iyadoo iskeedna u heshay bilad qalin ah.
-
Ilaa afar guul ayay soo hoysay tartamo caalami ah oo ay ka qaybgashay oo ay ku jireen kuwo ay ugu soo baxday London Olympics. Waxay bilaabatay markii gabadha dahabiga ah bishii March ay dabaasha ‘Synchronised’ oo biyaha dhexdooda ay muusig ku cayaaraan ee 3m ee tartanka aduunka oo ka dhacay Ruushka, kadibna waxay guulo ka keenay Beijin, Sheffield iyo Mexico. Wax walba oo ah u quuseen waxay isku badaleen dahab.








































