bbc.co.uk navigation

Goobaha Cayaaraha London 2012

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Janaayo, 2012, 17:10 GMT 20:10 SGA

Goobaha ay ka dhacayaan Cayaaraha London Olympic 2012

  • Garoonka Olympic-ga ee sida gaarka ah u muuqda, wuxuu ku yaallaa dhinaca koonfureed ee laga soo galo beerta Olympic ee xaafadda Stratford ee Bariga London. Garoonka hadda kuraastiisu waa ku meelgaar. Sawirka: Getty/London 2012
  • Xarunta, oo lagu qabanayo tartamada biyaha sida Dabaasha iyo Quusidd, waxaa qaabeeyay naqshadeeyaha u dhashay Iraq, Zaha Hadid, waxay ahaan doontaa meel cayaaraha kadib sii dhisnaan doonta, hadana kuraas waxay leedahay ku meelgaar ah oo laga fujin doono marka ay cayaaraha 2012 dhamaadaan.
  • Garoonka sida Joodariga u samaysan, wuxuu ka mid yahay goobaha cayaaraha Olympic-ga oo kaliya ka dhacayaan. Wuxuu qaadaa ilaa 12 kun oo qof, iyadoo uu ku fadhiyo ilaa 20 kun oo mitir oo laba jibaaran. Cayaaraha ka dhici doona, waxaa ka mid ah kuwa Olympic-ga iyo Basketball-ka curyaamiinta iyo sidoo kale cayaaraha kama dambaysta ah ee Kubadda gacanta.
  • Garoonka Velodrome waa kii ugu horeeyay beerta Olympic-ada laga dhiso, iyadoo la dhameeyay bishii February, 2011. Waxaa ku dhegan Xarunta BMX.
  • Garoonka Hockey-ga, waa goob cayaareed iyaduna ku meelgaarka oo laga dhisay geeska waqooyiga galbeed ee beerta Olympic-ga. Waxaa xarunta ay martigalin doontaa cayaaraha Olympic-ga curyaamiinta iyo kubadda cagta ee 7-da cayaartoy kooxdiiba lagu cayaaro.
  • Garoonka kubadda gacanta, waa mid kuraastiisu midabo dhalaalaya leedahay. Waxaana garoonku uu martigalin doonaa tartamo dhowr ah.
  • Tartamo badan, ayaa ka dhici doona meelo ka baxsan beerta Olympic-ga. Waa goobo ku kala firirsan London iyo meelo ka sii baxsanba. Beerta Hyde Park ee bartamaha magaalada, waxaa ka dhacaya tartanka Triathlon ee qaybta dabaashu ay ka mid tahay. Waxaa kaloo ka dhacaya tartanka marathon-ka dabaasha oo isla halkaas ka dhici doona.
  • Xarunta ilaalada fardaha (House Guards Parade), oo ku taalla bartamaha Whitehall, waxaa ka dhici doona cayaaraha Volleyball-ka xeebaha. Sawirka: Populous.
  • Tartanka fallaaraha, wuxuu ka dhacayaa garoonka Lord’s Cricket. Sawirka: Populous.
  • Xarunta Dhaxalka dunida ee beerta Greenwich ee koonfurta bari ee London, waxaa ka dhici doona tartamada Equestrian iyo Pentathlon-ka casriga ah. Tartankan Equestrian waa boodada fardaha. Sawirka: Populous.
  • Dekedda London ee Woolwich, waxay leedahay taariikh military oo dheer, dhismayaasha saldhigyada ciidanka boqortooyada ee hubka culus (Royal Artillery Barracks) waxaa la bilaabay sanadkii 1776. Toogashada Olympic iyo kuwa curyaamiinta ayaa halkan ka dhici doona.
  • Magaalada dhinaceeda kale, qasriga Henry VIII ee Hampton Court, waxaa ka dhici doonto tartamada baaskiilada ee cayaaraha Olympic-ada.
  • Garoomada Tennis-ka ee adduunka caanka ka ah ee cayaaraha Wimbledom ee tennis ay ka dhacaan, Garoonka Lawn Tennis-ka iyo Croquet Club, oo iyaguna ku yaalla koonfurta galbeed ee London, waxaa ka dhici doona tennis-ka Olympic-ada 28-ka July ilaa 5-ta August, 2012.
  • Laga soo bilaabo sawirka sare ee bidixda, waa garoonka Wembley oo kubadda cagta tartankeeda lagu qaban doono, iyadoo xarunta Wembley ee midigta sare lagu qaban doono tartanka Badminton iyo cayaaraha Jineestikada; Excel- waxaa ka dhici doona Feerka, Fencing (Seef ku tartanka), Judo, kubadda miiska, taekwondo, Culays-qaadka iyo lagdinka; Sawirka midigta Hoose: Xarunta Waqooyiga Greenwich, waxaa ka dhacaya Jineestikada sharaxan, iyo tartamo kale oo basketball uu ku jiro; Sawirka bidixda hoose: Earls Court waxaa ka dhacaya cayaarta Volleyball.
  • Goobaha ka baxsan London ee tartamadu ka dhici doonaan waxaa ka mid ah Harada Dorney, haddaba waa meel caalami ah oo tartamada doomaha yar yar uu ka dhaco. Tartamada doomaha yar yare ee cayaaraha Olympic-ada 2012, ayaa lagu qaban doonaa.
  • Xarunta Hadleigh Farm, waxaa ka dhici doono tartanka Baaskiilada ee todobaadka ugu dambeeyay ee cayaaraha Olympic-ada 2012. Hadleigh waa goob buuralay ah.
  • Xarunta Lee Valley Water ee ku taalla Hertfordshire, ayaa ah tii ugu horaysay ee la dhamaystiro bishii December, 2010. Cayaaraha Canoe-ga ayaa lagu qaban doonaa.
  • Tartamada doomaha shiraaca, ayaa ka dhici doona Weymouth iyo Portland oo ku yaalla Dorset, oo ah meel dabiici ah oo biyo doomuhu ku shiraacan karaan oo UK ku taalla. Waxaa halkaas ku yaalla Akadeemiyadda qaranka UK ee Shiraacashada, iyadoo sii horumarinna ay ku socoto.
  • Tartanka kubadda cagta, wuxuu ka bilaabanayaa garoonka Cardiff, iyadoo kubadda cagta dumarka cayaarta ugu horaysa ay dhici doonto 25-ka July, 2012, laba maalmood ka hor xafladda furitaanka. Garoomada kale ee kubadda cagta UK oo dhan ka jira, ayaa loo isticmaali doonaa cayaaraha kubadda cagta. Sawirka kor bidixda, Sida saacaddu u socoto: waa Hampden Park, Glasgow; St Jame’s Park, Newcastle; Stadium-ka Coventary City; Stadium-ka Wembley, London; Millennium Stadium, Cardiff iyo Old Trafford, Manchester.

BBC © 2012 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.