-
Garoonka sida Joodariga u samaysan, wuxuu ka mid yahay goobaha cayaaraha Olympic-ga oo kaliya ka dhacayaan. Wuxuu qaadaa ilaa 12 kun oo qof, iyadoo uu ku fadhiyo ilaa 20 kun oo mitir oo laba jibaaran. Cayaaraha ka dhici doona, waxaa ka mid ah kuwa Olympic-ga iyo Basketball-ka curyaamiinta iyo sidoo kale cayaaraha kama dambaysta ah ee Kubadda gacanta.
-
Tartamo badan, ayaa ka dhici doona meelo ka baxsan beerta Olympic-ga. Waa goobo ku kala firirsan London iyo meelo ka sii baxsanba. Beerta Hyde Park ee bartamaha magaalada, waxaa ka dhacaya tartanka Triathlon ee qaybta dabaashu ay ka mid tahay. Waxaa kaloo ka dhacaya tartanka marathon-ka dabaasha oo isla halkaas ka dhici doona.
-
Laga soo bilaabo sawirka sare ee bidixda, waa garoonka Wembley oo kubadda cagta tartankeeda lagu qaban doono, iyadoo xarunta Wembley ee midigta sare lagu qaban doono tartanka Badminton iyo cayaaraha Jineestikada; Excel- waxaa ka dhici doona Feerka, Fencing (Seef ku tartanka), Judo, kubadda miiska, taekwondo, Culays-qaadka iyo lagdinka; Sawirka midigta Hoose: Xarunta Waqooyiga Greenwich, waxaa ka dhacaya Jineestikada sharaxan, iyo tartamo kale oo basketball uu ku jiro; Sawirka bidixda hoose: Earls Court waxaa ka dhacaya cayaarta Volleyball.
-
Tartanka kubadda cagta, wuxuu ka bilaabanayaa garoonka Cardiff, iyadoo kubadda cagta dumarka cayaarta ugu horaysa ay dhici doonto 25-ka July, 2012, laba maalmood ka hor xafladda furitaanka. Garoomada kale ee kubadda cagta UK oo dhan ka jira, ayaa loo isticmaali doonaa cayaaraha kubadda cagta. Sawirka kor bidixda, Sida saacaddu u socoto: waa Hampden Park, Glasgow; St Jame’s Park, Newcastle; Stadium-ka Coventary City; Stadium-ka Wembley, London; Millennium Stadium, Cardiff iyo Old Trafford, Manchester.












































